4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 30, 2017
150 Tahriibayaal African ah oo laga cabsi qabo in ay bada ku dhinteen

Khamiis, Maarso,30, 2017 (HOL) –Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegeysa in ku-dhowaad 150 Tahriibayaal ah laga cabsi qabo in ay ku dhinteen Badda Mediterranean-ka ee dalka Libya.

Tahriibiyaasha oo watay doomo macmal ah ayaa la fahansanyahay in ay ka bexeen Magaaladda Sabratha oo xigta Waqooyiga dalka Libya, waxaana ay kusii jeedeen dalka Talyaaniga.

Howlgalka Samata-bixinta, ayaa sheegaya in ay jiraan dad la badbaadiyay, waxaana laga dhex aqoonsaday wiil 16 jir ah oo u dhashay dalka Gambia.

Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in doomihii ay la socdeen tahriibayasha ay qaliban, balse, Hay’adda Socdaalka Caalamiga (IOM) ayaa sheegtay in ay wado dadaaalo lagu soo badbaadinayo Muhaajiriintan ku qalibmay Badda Mediterranean-ka.

Ilaa iyo hadda lama shaacin wadamada ay u kala dhasheen tahriibayaashii saarnaa doonta laga cabsi qabo in ay bada ku qalibantay.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia