4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 30, 2017
Cabsi xoogan oo laga muujinayo labo markab oo kusoo xiran la’ dekadda Muqdishu

Khamiis, Maarso,30, 2017 (HOL) –Saaka waxaa dekadda magaaladda muqdishu la sheegayaa in uu kusoo xiran la’yahay markab konteenaro wado, waxaana laga cabsi qabaa in uu soo caariyo.

Sidoo kale dad ku sugan dekadda, ayaa Hiiraan Online u sheegay, in shalay markab weyn oo konteenaro wada, uu sidan oo kale ugu soo xiran waayay dekadda, waxaana muuqaal laga soo duubay laga daawaday markabka oo qeybta sare ka sii deynaya “Qiiq”

Labo todobaad ka hor ayay aheyd markii sidan oo kale Markab weyn oo konteenaro siday uu ku soo xiran waayay Dekeda, iyadoo uu qarka u saarmay inuu caariyo, waxaana xilli saq dhexe lagu guuleystay in dhinaca Dekeda loo soo jiido.

Shirkadda laga leeyahay dalka Turkiga ee Albeyrak oo maamusha Dekedda Muqdisho iyo maamulka dowladda ee dekadda, wali wax war ah kama soo bixin oo ku aadan labada markab ee dhibaatada ay ku heysato dekadda.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia