4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 29, 2017
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo daah furay duulimaadkii ugu horeeyay ee Muqdisho iyo Nairobi


Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) -- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka qeyb galay daah furka Munaasabad lagu maamuusayay duulimaadkii u horeeyey oo toos ah muddo toban sano ah oo ay sameyneysay diyaarada African Air kuna wajahneyd magaalada Nairobi, iyada oo aan ku hakan garoonka Wajeer oo baaritaan dheeraad ah lagu sameyn jiray duulimaadyada ka baxa garoomada dalka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa arrinkan ku tilmaamay inuu yahay tilmaan muujineysa xiriirka dhow ee ay leeyihiin dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya, isaga oo xusay in dadaalkan ay sameysay xukuumadii hore iyo hoggaankeeda.

Munaasabada ayaa waxaa joogay taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Maxamed Aadan Koofi, Maareeyaha guud ee Garoonka Aadan-cadde, Danjiraha dalka Kenya u fadhiya Soomaaliya iyo Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah Kenya Amb. Jamaal Maxamed Xasan oo ah haatan Wasiirka Qorsheynta Xukuumada cusub.

“Maanta waa maalin taariikhi ah waxaana halkan ku sagootineynaa duulimaadkii u horeeyey muddo toban sano kadib ee toos u aadaya Nairobi, isaga oon ku sii hakan doonin Wajeer, waxayna muujineysaa xushamada iyo qadarinta dowladda Kenya ay u heyso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri ra'iisal wasaare Kheyre oo sidoo kale xusay inay muujineyso in garoonka Aadan-cadde uu u shaqeeyo sida garoomada caalamiga ah, maadaama la xaqiijiyay in duulimaadkii ka soo baxa uu yahay mid la isku haleyn karo oo aan la sii marsiin meelo kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la dardaarmay maamulka Garoonka iyo hogaanka socdaalka, isaga oo ku booriyay in laga feejignaado in aysan soo noqon in mar kale laga shakiyo duulimaadyada ka soo baxaya garoonka Muqdisho.

“Waa in aad hubin iyo baaris adag ku sameysaan duulimaadyada iyo dhamaamba qeybaha adeegyada bulshada ee garoonka, si aysan mar kale u soo noqon in duulimaadyada ka baxa dalkeena aan la oran la iskuma haleyn karo ee ha lagu sii baaro meelo kale.

Ugu danbeyntii, tallaabadan lagu daah furay dullimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi ayaa ka danbeysay hishiis labada madaxweyne Soomaaliya iyo Kenya ku gaareen dhawaan magaalada Nairobi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]