4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 29, 2017
Kenya oo kordhisay bandowgii saarnaa degmada Mandera ee gobolka W/bari


Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa kordhisay bandowga saaran degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya kadib markii ay soo baxeen warar la xiriira weeraro ay damacsan yihiin Al-shabaab in ay ka fuliyaan degmada.

Wasiirka Arimaha Gudaha Kenya  Joseph Nkaissery ayaa sheegay in 12 saacaddood lagu daray Bandowga hadda , islamrkaana ay ka shiri doonaan mas’uuliyiinta dalka Kenya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in bandowgaan labo tobanka saacadood ah in uu ka duwan yihiin kuwii hore, islamarkaana ciidanka looga baahan yahay in ay muujiyaan Feegignaan dheeri ah.

Waxa uu intaasi ku daray in la adkeyn doono Ammaanka Xuduudka Mandera ilaa Lamu, halkaasi oo inta badan dagaalamayaasha Xarakadda Al-shabaab ka fuliyaan howlgalllada

 Kenya ayaa Sanadkii hore bandow kusoo rogtay Mandera ka dib markii ay kordheen weerarada Al-Shabaab ay ku qaadayaan Mandera.

Ugu danbeyntii, ujeedada bandowga loogu soo rogay magaalada Mandera ee gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa ah xaqiijinta amniga iyo sidii looga hortagi lahaa weerarada Shabaab.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]