4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 29, 2017
Mid ka mid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada oo lagu weeraray Muqdisho

Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) -Rag hubeysan ayaa xalay degmadda Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir, ku dhaawacay Maxamed Isaaq Tubane, oo la sheegay in uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaannada ku soo dooratay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, sida goob-joogayaal ay sheegeen.

Weerarka  ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Nuur Aduunyo.

Ciidanka dowladda oo gaaray goobta dilka uu ka dhacay, ayaa sameeyay howlgallo, balse ma jirto dad ay usoo qab-qabteen weerarka.

Weerarada gadmada ah ee lagu hayo, Ergadii ka qeyb-qaadatay doorashadii xildhibaannadda ayaa beryihii lasoo dhaafay kusoo badanayay magaaladda Muqdishu.

“Maamulka dowladda Soomaaliya, wax qorsha ah oo lagu difaacayo Ergadada uma aysan sameyn, waxaan ka codaneynaa in ay kafaala qaadaan ammaanka Ergada” sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay, Maxamuud Yuusuf oo ah falanqeeye siyaasadeed.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia