4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 29, 2017
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Baarlamaanka ka dalbaday in ay ansixiyaan wasiiradda cusub

 

Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Jamhuurida Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha wasiiradda ee dhawaan uu soo Magacaabay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyrre.

Xasan Sheekh, oo muuqaal soo galiyay boggiisa Facebook-gga, ayuu barlamaanka uu kaga codsaday meelmarinta wasiiradda.

“Anigu kuma qanacsani Wasiiradda la soo Magacaabay marka laga reebo hal iyo Labo Balse aan Fursad siino Wasiiradda Magacaaban oo ha dhow haddii ay wax qaban waayaan aan la Xisaabtanno, balse hadda Baarlamaanka Sharafta leh ha siiyaan Codka Kalsoonida”sidaa waxaa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, muuqaalka uu soo dubay madaxweynaha, ayaa waxaa kaloo uu kaga hadlay arrimaha Soomaaliya.

Mudane, Xasan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dooda mudanayaasha Baarlamaanka qaar ka mid ah iyo Ra’iisal wasaaraha ka dhexeysa.

Golaha wasiiradda ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta lagu wadaa in la hor geeyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Barlamaanka oo warqad u diray Ra’iilsal wasaaraha:

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaliyeed Maxamed Cismaan jawaari, ayaa ku booriyay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, in dib-u-eegis uu ku sameeyo, golaha wasiiradda ee uu dhawaan magacaabay, kadib markii 105 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka ay soo jeediyeen in golala wasiirada uu dib-ula noqdo Xasan Cali Kheyre.

Qoraalka uu diray Pro Jawaari, ayaa waxaa ku lifaaqan, hindisaha diidmada ah ee xildhibaanada ay horay usoo saareen.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa todobaadkii hore si rasmi ah ugu dhawaaqay golaha wasiirada cusub ee xukuumaddiisa, oo muddo laga sugayey.

Golaha wasiirada ayaa waxa ku jira hal ra’iisul wasaare ku xigeen oo loo magacaabay Mahdi Axmed Guuleed (Khadar) 26 wasiir, 26 wasiir ku xigeen, iyo 15 wasiiru dowle.

Halkan ka aqriso qoraalka uu Guddoomiye Jawaari u direy Ra’iisal wasaare Kheyre.


Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia