Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) – Ra’iisal
wasaare Xassan Cali Kheyre iyo gollihiisa wasiirada ayaa lagu wadaa in ay
maanta hortagaan fadhiga xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya si ay u
weydiistaan codka kalsoonida.
Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa jiray cabasho
xoogan oo xildhibaannada qaarkood ay ka muujinayeen habka loo soo dhisay
xukuumada oo ay ku tilmaamay mid baalmarsan awoodqeybsiga beellaha ee ku
saleysan 4.5ka, taasoo keentay in guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed
Cismaan Jawaari uu ka dalbado ra’iisal wasaaraha in uu dib u eegis ku sameeyo xukuumadiisa cuusb.
Hasse ahaatee waxaa muuqata in ra’iisal
wasaare Kheyre go’aan ku gaaray in uu hortago baarlamaanka, islamarkaana weydiiyo in
ay codka kalsoonida siyaan gollaha wasiirada uu soo dhisay.
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Jimcaale oo ka mid
ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in
baarlamaanka uu meel marin doono xukuumada cusub iyada oo la eegayo ayuu yiri
daruufaha kala duwan ee ka jira dalka iyo baahida loo qabo in la helo xukuumad
shaqeysa.
Kulanka baarlamaanka maanta waxaa shir gudoomin
doona guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gollaha shacabka Cabdiwali Ibraahim
Muudeey.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]