4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 29, 2017
Shir madaxeedkii Jaamacada Carabta oo maanta ka furmaya dalka Jordan

 Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) - Shirka madaxeedkii Jaamacadda Carabta ayaa maanta ka furmaya caasimada dalka Jordan ee Cammaan ,waxaana ka qeyb galaya madaxada wadamada ku jira ururka.

Shirka qodobada looga hadlayo, waxaa ka mid ah abaaraha ka jira Soomaaliya ,dhibaatooyinka ay la kulmayaan Falastiniyiinta, dagaalada ka socda Yemen.

Warbaahinta caalamka oo soo xiganaysa madaxda ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in wadamada Jaamacadda Carabta ay si buuxda u taageeri doonaan dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay lacago badan ugu yaboohi doonaan dadka ay abaaruhu Saameeyeen.

Wakaalada Wararka ee dalka Jordan ayaa sidoo kale ku warameysa in qodobada looga hadlayo shirka ay Soomaaliya uga jirto kaalmaha hore.

Shir ay yeesheen wasiirada rimaha dibada ee dalalka Jaamacadda Carabta ayaa si weyn loogu faaqidaday abaaraha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shirka hogaamiyeyaasha Jaamacadda Carabta.

Ugu danbeyntii, madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu Shirka ka jeediyo khudbad dheer oo uu kaga hadlaayo abaaraha ka jira Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]