3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 28, 2017
Madaxweyne Cosoble: Wasaaradda arimaha gudaha fargalin ayeey ku heysaa maamulka Hirshabeelle

Talaado, Maarso, 28, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabudllaahi Cosoble ayaa goor dhaw oo maanta ah shir jaraa’id ayaa eedeyn u jeediyay wasaarrada arimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya oo sida uu sheegay faragalin toos ah ku heysa howlaha maamulka.

Gaar ahaan madaxweynaha ayaa ku eedeeyay xoghayaha joogtada ah ee wasaarrada arimaha gudaha Prof Yaxye Cali Ibraahim in magaca maamulka Hirshabeelle shirar uga qeybgaliyo dad aan matalin maamulka, taasoo xadgudub weyn iyo caqabad inta ku ah wada shaqeyntii ay la lahaayeen wasaarrada arrimaha gudaha iyo guud ahaanba dowladda dhexe.

‘’Maamul gobolleedka fursad uma helin in uu ka qeybgallo shirar muhiim ahaa oo ay ka qeybgalleen mas’uuliyiinta maamullada kale ee dalka ka dhisan, gaar ahaan shirkii ugu danbeeyay ee looga hadlayay xuduuddaha dalka, waxaa shirkaa ka qeybgallay shaqsiyaad lagu sheegay in ay matalayeen maamulka oo ay wasaarrada arimaha gudaha waddatay ayuu yiri madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo ra’iisal wasaaraha ayuu ugu baaqay in ay ka wax ka qabtaan sida uu hadalka u dhigay faragalinta lagu hayo maamulkiisa.

‘’ Annaga arintan waxaa la socodsiineynaa madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha in ay ka qaataan tallaabada ku haboon, haddii aysan arintaa wax ka qaban waxaa u aragnaa in dowladda oo dhan isla ogtahay’’ ayuu yiri madaxweyne Cosoble.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa shirkaasi jaraa’id ka shaqeeya in lagu dhawaaqay guddi heer wasiiro ah oo ka shaqeyn doona gurmadka abaaraha ka jira deegaannada uu maamulka ka arimiyo waxaana guddoomiye u ah guddigan wasiirka arimaha gudaha maamul gobolleedka Hirshabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/28/2017 12:38 PM EST
Talaado, Maarso, 28, 2017 (HOL) -Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa ugu baaqay ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM in ay wax ka qabtaa amniga jidka isku xirtay Muqdisho iyo Baydhabo.

3/28/2017 10:03 AM EST
Talaado, Maarso, 28, 2017 (HOL) -Dood-qaran oo ah madal inta badan looga doodo arrimaha siyaasadda Soomalida ayaa markii labaad xalay lagu qabtay Gobolka Minnesota ee ay Soomaalida Mareykanku ku badan tahay.

3/28/2017 9:57 AM EST
Talaado, Maarso,28, 2017 (HOL)- Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay wakhtiga tirada guud ee iska diwaangalisay wadanka iyo gobol waliba inta ka diwaangashan.

3/28/2017 8:59 AM EST
Talaado, Maarso, 28, 2017 (HOL) - Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika waxa ku geeriyooday Ahmed Kathrada oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii u soo halgamay in dalka laga saaro xukunkii midab takoorka.

3/28/2017 8:21 AM EST
Talaado, Maarso, 28, 2017 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa kormeer ku tagay deegaanka Garas Baaleey ee duleedka Muqdisho, halkaasoo ay ku nool yihiin qaar ka mid ah dadkii ka soo barakacay gobollada dalka ee ay abaaruhu saameeyeen.

3/28/2017 8:02 AM EST
Talaado, Maarso, 28, 2017 (HOL) –Dowladda Finland ayaa deeq lacageed oo gaareysay 25-million oo dollar, ugu deeqday wadamo ku yaalla Africa, oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

3/28/2017 5:21 AM EST
Talaado, Maarso, 28, 2017 (HOL) –Col. Maxamed Jamuus, Col. Cawil Balcade iyo Sarkaal kale, oo ka tirsanaa maamulka Puntland ayaa ku geeryooday shil gaari oo ka dhacay gobolka Nugaal.

3/28/2017 4:44 AM EST
Talaado, Maarso, 28, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuurida Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, ayaa maanta u safray Magaaladda Cummaan ee dalka Jordan, waxaana uu halkaasi kaga qeyb galayaa, Shir Madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta.

3/28/2017 3:31 AM EST
Talaado, Maarso, 28, 2017 (HOL) -Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax saqdii dhexe ee xalay qarax xoogan oo ka dhacay waddada warshadaha magaalada Muqdisho.

3/28/2017 2:12 AM EST
Talaado, Maarso, 28, 2017 (HOL) - Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab ku dhexmaray waddada isku xirta deegaan lagu magacaabo Ceel qoxle iyo sidoo kale degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

3/28/2017 1:59 AM EST
Talaado, Maarso, 28, 2017 (HOL) – Kooxda Daacish ayaa markii ugu horeysay sheegatay in ay sarkaal ka tirsan nabad-sugida ku dishay magaalada Muqdisho, kaddib war ay ku shaaciyeen wakaalad wararka u faafisa.

3/28/2017 1:44 AM EST
Talaado, Maarso, 28, 2017 (HOL) - Shirka Hogaamiyeyaasha Jaamacadda Carabta ayaa Berri ka furmaya caasimada dalka Urdun ee Cammaan ,waxaana ka qeyb galaya hogamiyeyaal badan oo ka socda wadamada Jamacadda carabta.