3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 27, 2017
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo Beledweyne kula kulmay saraaakiil ka tirsan Qaramada Madoobey


Isniin, Maarso, 27, 2017 (HOL) -Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa magaalada Beledweyne kulan kula qaatay, saraakiilka tirsan Qaramada Midoobay,waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira wax ka qabashada baahiyaha ka jira deegaanada Hirshabelle.

Kulanka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehlinayay qaar ka mid ah golaha wasiirada Hirshabelle, waxaana kulanka uu Ku bilowday isbarasho wasiirada Hirshabelle iyo saraakiisha Qaramada Midoobay, iyagoo balanqaaday in ay la shaqeyn doonaan  maamulka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa warbixin ka dhageysay Saraakiisha QM, ee ku aadan waxqabadkooda, Iyo qorshayaasha uga degsan mashaariic fulinta deegaanada Hirshabelle.

Madaxweynaha ayaa ka dalbaday xafiiska Qaramada Midoobay ee Beledweyne in ay muujiyaan doorkooda kaga aadan dib u dhiska iyo horumarinta guud ahaan deegaanada Hirshabeelle, iyo in ay xaliyaan cabashada dadka deegaanka oo ay si wanaagsan ula shaqeeyaan.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sidoo kale ka dalbaday Saraakiisha in UN-ka inta kulankooda ay Ku guda jireen, in ay si dhaw ula shaqeeyaan hay'addaha dowladda Hirshabelle kaalina ay ka qaataan, sidii loo tayeyn lahaa.

Ugu danbeyntii, saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dowladda Hirshabelle ay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan, qorshahooduna yahay inay mashaariicyo ay ka fuliyaan.

Kulanka ayaa yimid kaddib markii maalintii shalay xubno ka tirsan xubno ka tirsan gollaha wasiirada maamulka eedeyn kulul u jeediyeen hay'adda QM ee ka shaqeeya arimaha gargaarka oo ay ku eedeeyeen in ay ka gaabiyeen howlihii loo idmaday iyo guud ahaanba wada shaqeynta kala dhaxeysa maamulka.














Click here
3/27/2017 10:18 AM EST
Maqaayadaha Soomaaliyeed ee ku yaal gobolka Minnesota ayaa qoondeeyay in maalinta Jimcaha ee April 7 ay dhaqaalaha soo gala boqolkiiba konton ay ku deeqayaan wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya.

3/27/2017 9:52 AM EST
Isniin, Maarso,27, 2017 (HOL)- Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI ayaa dacwad ka dhan ah xukuumadda u gudbiyey maxkamadda sare, ka dib markii xaflad uu xisbigu soo qabanqaabiyey oo lagu soo bandhigayey khatarta saldhiga Berbera ka dhisanayo Imaaraadka Carabta oo xukuumaddu u diiday.

3/27/2017 9:29 AM EST
Axad, Maarso, 27, 2017 (HOL) -Ardayda wax ka Barata Jaamacadda Golis Faraceeda Laascaanood ayaa wada olole ay agabyo kala duwan ka ururinayaan magaalada daafaheeda si ay ugu caawiyaan dadka abaaruhu caydheeyeen ee gacanta u baahan.

3/27/2017 9:09 AM EST
Isniin, Maarso, 27, 2017 (HOL) –Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaala ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray wadada "Digtoor ka dare" oo dhawaan maamulka Gobolka Banaadir uu ku sameeyay dib u dhis.

3/27/2017 8:40 AM EST
Isniin, Maarso, 27, 2017 (HOL) –War saxaafadeed dowladda Kenya ay soo saartay, ayaa waxaa lagu sheegay in ay dileen 31 dagaalame oo ka tirsan Al Shabaab.

3/27/2017 6:25 AM EST
Isniin, Maarso, 27, 2017 (HOL) – Baarlamaanka maamulka Galmudug, ayaa macaabay Guddiga doorashooyinka Galmudug, sida mid ka mid ah xildhibaanada Galmudug uu u sheegay Hiiraan Online.

3/27/2017 5:32 AM EST
Isniin, Maarso, 27, 2017 (HOL) –Saacadihii lasoo dhaafay, waxaa degmadda Ceelbuur laga dareemayay dhaq-dhaqaaq ay wadeen ciidanka dowladda Ethiopia ee qeybta ka ah Midowga Africa.

3/27/2017 5:01 AM EST
Isniin, Maarso, 27, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa sheegay in uu doonayo in maamulka Koonfur Galbeed uu u sameeyo Ra’iisal Wasaare.

3/27/2017 1:14 AM EST
Isniin, Maarso, 27, 2017 (HOL) – Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Taliyaaniga iyo Maraakiib ay wataan ururo aan dowli ahayn ayaa sheegay in badwaynta Mediterranean-ka ay ka soo badbaadiyeen 1,200 oo Tahriibiyaal ah Axadii shalay aheyd oo kaliya.

3/27/2017 1:04 AM EST
Isniin, Maarso, 27, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya in ay meel mariyaa xukuumada cusub ee dhawaan uu soo dhisay ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.