4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2017
Maqaayadaha Soomaalida ee Minnesota oo maalin u qabtay wax ka qabashada abaaraha

Isniin,Maarso,27(HOL) Maqaayadaha Soomaaliyeed ee ku yaal gobolka Minnesota ayaa qoondeeyay in maalinta Jimcaha ee April 7 ay dhaqaalaha soo gala  boqolkiiba konton ay ku deeqayaan wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya.

Shir Saxaafadeed  Gudiga Maqaayadah Minnesota 2
Shir Saxaafadeed  Gudiga Maqaayadah Minnesota 2
Shir Saxaafadeed  Gudiga Maqaayadah Minnesota 3
Shir Saxaafadeed  Gudiga Maqaayadah Minnesota 4
Shir Saxaafadeed  Gudiga Maqaayadah Minnesota 5
Shir Saxaafadeed  Gudiga Maqaayadah Minnesota 1

Gudi ay iska soo xuleen ilaa in gaaraysa 40 maqaayadood ayaa xalay shir saxaafadeed ay ku qabteen Minneapolis waxay cadeeyeen arinta aan kor ku soo xusnay .

Cabdiraxmaan Ciise Kaahin oo ka mida gudigaa ayaa HOL u sheegay in loo baahan yahay  maalintaa qoysaska iyo dhalinyarada oo dhami ay soo baxaan tagaan maqaayadaha cuno ka iibsadaan ama ay gataan fanuunadaha aan ku muujinayno wax ka qabashada abaaraha ayuu yiri Kaahin.

Ilaa iyo xiligii ugu horaysay ee abaaruha ka dhaceen Soomaaliya ayaa qurbojoogtu waxay dadaalo ay dhaqaalo aruurin ugu sameeynayaan abaaraha , waxaana 17kii bishaan Maarso  dhamaan masaajidada ay ururiyeen lacago loogu talagalay abaaraha mana jirto gudi ay ku midaysan yihiin oo sheegay tirade lacagaha la qabtay ama ladiray maalintaa .


Maxamuud Shiikh Cabdi oo ka mida Soomaalida dagan Minnesota  oon kula kulmay goobta shir saxaafadeedka maqaayadleeydu ku dhacaayay ayna ku sugnaayeen qaar ka mida hay’adaha gargaarka ee Soomaaliyeed  ayaa aad u dhaliilay marka lacagaha la guro waxa toos loogu diri waayay gudiga qaran ee abaaraha taas oo dowlada Soomaaliyana aqoonsan tahay,  ayna hormuud ka yihiin culumodiinka waawayn ayuu yiri Maxamud, waxuuna tusaale u soo qaatay Soomaalida dagan Columbus Ohio oo waxii ay ururiyeen dhamaan u diray gudiga qaran ee abaaraha.

Ugu danbayntii waxaa xusid mudan in labo maqaayadood oo Soomaalidu  aysan lahayn macmiilse ka yihiin kula jiraan qorshaha maalinta April 7 maqaayadaha Soomaalida kuwaas oo kala ah Holyland &  Mapps oo ku yaal Minneapolis Minnesota


Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis,MN