Isniin, Maarso, 27, 2017 (HOL) -Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI
ayaa dacwad ka dhan ah xukuumadda u
gudbiyey maxkamadda sare, ka dib markii xaflad uu xisbigu soo qabanqaabiyey oo
lagu soo bandhigayey khatarta saldhiga Berbera ka dhisanayo Imaaraadka Carabta
oo xukuumaddu u diiday.
Wasiirkii hore ee cadaaladda Somaliland,isla markaaana ah imika
sarkaal ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xuseen Axmed Caydiid oo
markii ay dacwadda gudbiyeen warbaahinta la hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay
“Maanta waxaanu ka dacwoonaynaa xaflad
aaanu ku soo bandhigaynay cilmi baadhis laga sameeyey dhibaatadda uu leeyahay
saldhiga Militari ayey xukuumaddu is hortaagtay, iyadoo meel kaga dhacday
distoorkii iyo qawaaniintii axsaabta iyo qaraarkii ay maxkamadu hore uga
gaadhay arrinkaasi oo ay u u fasaxday xafladaha xisbiyadda , haddii alle
yidhaah waxaanu rajaynaynaa qaraar
dimuqraadiyad anfaca, qaraar u hiiliya ummadda iyo cadaalada u hiiliyay.”.
Dhanka kalena Xoghahaya guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Uur-Cadde ayaa
yidhi "Waxaanu maanta u nimid markii labaad in aanu dacwad ka dhan ah
xukuumadda aanu u geyno Guddoomiyaha Maxkamada Sare , runtii markii hore
sifiican ayuu ka yeelay qoraal ayuu soo
saaray sida ay shuruucda dalku dhigayaan in lagu shiri karro oo uu meel walba
xisbigu uu ku shiri karro, nasiib darro rag indho leh oo dhego'la oo dalka
maanta madax ka ah oo leh waanu haysanaa ayaa maalin walba iyagoo shuruucdii
wadanka aan raacay wixii uu caqligoodu yidhaahdo soo qoraya oo dul maya
masaakiintii iyo dadkii lahaa hudheelada
waa weyn iyo Xisbiyad uu qaranku u ogolaa inuu wax naaqisho"
"Waxa la diidayaa waxa weeye
saldhiga Berbera, xisbiga WADDANI cid u diidi karta iyo cid noo diidi
karta in aanu ka haddalno ma jirto cid aanu ka yeelaynaana ma jirto,meel walba
waan ku qabanaynaa meel- walba waan kaga haddlaynaa waa dalkayagii waa wadankayagii”ayuu yidhi
Uur-cadde.
Dhowaan ayey ahayd markii xisbiga mucaaradka ah ee WADANI loo diiday
inay xaflad ay ku soo bandhigayaan cilmi baadhis ay ka sameeyeen saldhiga
Militari oo hoteeladda ay ku qabanayeen loo diiday.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.