4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 27, 2017
Xisbiga WADDANI oo dacwad ka dhan ah xukuumadda u gudbiyey maxkamadda Sare

Isniin, Maarso, 27, 2017 (HOL) -Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI ayaa  dacwad ka dhan ah xukuumadda u gudbiyey maxkamadda sare, ka dib markii xaflad uu xisbigu soo qabanqaabiyey oo lagu soo bandhigayey khatarta saldhiga Berbera ka dhisanayo Imaaraadka Carabta oo xukuumaddu u diiday. 

Wasiirkii hore ee cadaaladda Somaliland,isla markaaana ah imika sarkaal ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xuseen Axmed Caydiid oo markii ay dacwadda gudbiyeen warbaahinta la hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Maanta waxaanu ka dacwoonaynaa xaflad aaanu ku soo bandhigaynay cilmi baadhis laga sameeyey dhibaatadda uu leeyahay saldhiga Militari ayey xukuumaddu is hortaagtay, iyadoo meel kaga dhacday distoorkii iyo qawaaniintii axsaabta iyo qaraarkii ay maxkamadu hore uga gaadhay arrinkaasi oo ay u u fasaxday xafladaha xisbiyadda , haddii alle yidhaah waxaanu rajaynaynaa qaraar dimuqraadiyad anfaca, qaraar u hiiliya ummadda iyo cadaalada u hiiliyay.”.

Dhanka kalena Xoghahaya guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Uur-Cadde ayaa yidhi "Waxaanu maanta u nimid markii labaad in aanu dacwad ka dhan ah xukuumadda aanu u geyno Guddoomiyaha Maxkamada Sare , runtii markii hore sifiican ayuu ka yeelay qoraal ayuu soo saaray sida ay shuruucda dalku dhigayaan in lagu shiri karro oo uu meel walba xisbigu uu ku shiri karro, nasiib darro rag indho leh oo dhego'la oo dalka maanta madax ka ah oo leh waanu haysanaa ayaa maalin walba iyagoo shuruucdii wadanka aan raacay wixii uu caqligoodu yidhaahdo soo qoraya oo dul maya masaakiintii iyo dadkii lahaa hudheelada waa weyn iyo Xisbiyad uu qaranku u ogolaa inuu wax naaqisho"

"Waxa la diidayaa waxa weeye saldhiga Berbera, xisbiga WADDANI cid u diidi karta iyo cid noo diidi karta in aanu ka haddalno ma jirto cid aanu ka yeelaynaana ma jirto,meel walba waan ku qabanaynaa meel- walba waan kaga haddlaynaa waa dalkayagii waa wadankayagii”ayuu yidhi Uur-cadde.

Dhowaan ayey ahayd markii xisbiga mucaaradka ah ee WADANI loo diiday inay xaflad ay ku soo bandhigayaan cilmi baadhis ay ka sameeyeen saldhiga Militari oo hoteeladda ay ku qabanayeen loo diiday.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.