4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2017
Laascaanood :-Ardeyda Jaamacada Goolis oo ka qeybqaadanaya gurmadka abaarta

 Isniin, Maarso, 27, 2017 (HOL) -Ardayda wax ka Barata Jaamacadda Golis Faraceeda Laascaanood ayaa wada  olole ay agabyo kala duwan ka ururinayaan magaalada daafaheeda si ay ugu  caawiyaan dadka abaaruhu caydheeyeen ee gacanta u baahan.


Xafsa Ducaale oo aan kula kulmay iyadoo hawshaasi ku dhex jirta ayaa waxay HOL u sheegtay markii ay arkeen xaalada dadkoodu ku sugan yihiin ayaan go'aansanay  in aan anaga, maamulkayaga iyo dadweynahaba aan iskaasi samayno.

"Ficilka ayaan anagu samaynaynaa, guri kastana waan is hortaagaynaa, waxaana ka qaadaynaa wixii aan ka helo haday tahay raashin, Dhar Weel iyo wixii kale ee aan ka helo" ayay tidhi Xafsa, waxaana ay ay intaas ku dartay inay guul weyn ka soo hooyeen.

Gudoomiyaha Jaamacadda Golis ee Laascaanood Maxamed Jaamac "Filibiin" ayaa noo xaqiijiyey in ay hawlgalkan si wadajir ah ay u wadaan macalimiinta iyo ardayda Jaamacaduba.

"Way adag tahay in aan  waxbarasho wadno keliya inta ay dhegahayaga soo gaadhayaan dhiilada  naxdinta leh ee dadkayaga ku habsatey, Ilaahay ayaa la sugayaa  gargaarkiisa laakiin anagu waan isku wadaynaa gurmadka iyo waxbarshada"  ayuu yiri Filibiin oo Hiiraan u waramayey.

Dadaalka la doonayo in lagu dardaaro dadka dhibaataysan oo haatan la sheegayo in ay ku sii siqayaan 30,000 oo qoys guud ahaan gobolka Sool, ayaa waxaa jira dad badan oo iskood isu abaabuley oo wada gurmad ay dadka magaalooyinka dhaqaale iyo agab kaga ururinayaan kuwaas oo ay ka mid yihiin Midiwga Dhalinyarada, Ardayda Dugsiyada Sare iyo qaarkale oo qabaailka hoose ay gaarkooda u wadaan.
 
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool