4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2017
Kenya oo sheegtay inay 31 ka dishay Alshabaab

 

Isniin, Maarso, 27, 2017 (HOL) –War saxaafadeed dowladda Kenya ay soo saartay, ayaa waxaa lagu sheegay in ay dileen 31 dagaalame oo ka tirsan Al Shabaab.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in weerar ay ku qaadeen xaruumo ay Al Shabaab ku leedahay degmada Badhaadhe, Jubbada Hoose, ayna halkaasi ku dileen dagaalyahanada ka tirsan Al Shabaab.

 “Ciidamadeena dhulka ayaa fuliyay weerarka, kuwaas oo taageero ka helayay diyaaradaha qummaatiga u kaca” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Weerarka ayaa la sheegayaa in uu dhacay Axaddii. Warkaas ka soo baxay Kenya ayaan weli loo xaqiijin karin si madaxbannaan.

Dagaalamayaasha Al Shabaab, ayaa saldhigyo waaweyn ku leh, deegaanada Jubooyinka, sida ay sheegayaan saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya.

Al Shabaab, ayaa dhowr jeer weeraro ka geystay dalka Kenya. 

Horraantii bishan ayey dowladda Kenya sidoo kale sheegatay in 57 ay Al-Shabaab uga dishay deegaan ku dhow degmada Afmadow.

Ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay weerarkaasi u adeegsadeen madaafiic iyo diyaarada, kaas oo lagu qaaday meel loogu magacdaray Subow.

Goobtaasi la weeraray ayaa qiyaastii 31km dhanka Woqooyi-Galbeed kaga beegan degmada Afmadow.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia