4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2017
Baarlamaanka Galmudug oo magacaabay Guddiga dorashooyinka

 

Isniin, Maarso, 27, 2017 (HOL) – Baarlamaanka maamulka Galmudug, ayaa macaabay Guddiga doorashooyinka Galmudug, sida mid ka mid ah xildhibaanada Galmudug uu u sheegay Hiiraan Online.

Guddiga la magacaabay ayaa waxaa ay ka koobanyihiin 13 xubnood, waxaana ay dhawaan bilaabi doonaan shaqada diyaarinta doorashooyinka maamulka.

25-kii bishan Maarso, Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa u codeeyay in Doorashada Madaxweynaha Galmudug la qabto 10-ka Bisha April.

Guddoomiyaha Barlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir, ayaa sheegay in 21 Xildhibaan ay u codeeyeen in doorashada la qabto 20-ka April, halka 30 Xildhibaana ay u codeeyeen in doorashada ay dhacdo 10-ka  April, sidaasina ay ku codbadiyeen 30-ka xildhibaan.

26-kii bishii February ee sanadkan, ayuu Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed uu sheegay inuu iska casilay xilkii Madaxweynenimadda Galmudug,  Sababo la xariira xaga caafimaadkiisa sida uu sheegay. 

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia