4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2017
Galmudug oo beenisay in ciidanka Itoobiya ay ka baxayaan degmadda Ceelbuur

 

Isniin,  Maarso, 27, 2017 (HOL) –Saacadihii lasoo dhaafay, waxaa degmadda Ceelbuur laga dareemayay dhaq-dhaqaaq ay wadeen ciidanka dowladda Ethiopia ee qeybta ka ah Midowga Africa.

Warbaahinta Soomaalidda qaar ka mid ah ayaa baahisay in ciidamada Ethiopian-ka ay damacsanyihiin in Ceelbuur ay ka baxaan, balse Gudoomiyaha degmada Ceelbuur ee maamulka Galmudug, Cabdi Xasan, ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidanka Itoobiya ay ka baxayaan degmada Ceelbuur oo ay Saddex sano ka hor ay kala wareegeen Xarakadda Al Shabaab.

“Ciidanka waxaa ay sameeyaan dhaq-dhaqaaq, wax ka bixid ahna ma jiraan, ciidamo badan oo ka tirsan AMISOM ayaa kusoo wajahan degmada Ceelbuur” ayuu hadalkiisa uu siiraaciyay Cabdi Xasan.

Saddexdii sano ee lasoo dhaafay, degmadda Ceelbuur waxaa gacan-ku heynteeda maamulayay ciidamadda Soomaalidda iyo kuwa dowladda Ethiopia ee qeybta ka ah Midowga Africa.

Falanqeeyaasha siyaasada Soomaaliya, ayaa sheegay sanadkii 2016, in ciidamadda Itoobiya ay doonayaan in ay ka baxaan dalka Soomaaliya, iyagoona maalinba-maalinta ka damabeysa sameynaya qorshe cusub. 

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia