4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 27, 2017
Tahriibayaal lagu soo badbaadiyay badda Mediterranean-ka

 Isniin, Maarso, 27, 2017 (HOL) – Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Taliyaaniga iyo Maraakiib ay wataan ururo aan dowli ahayn ayaa sheegay in badwaynta Mediterranean-ka ay ka soo badbaadiyeen 1,200 oo Tahriibiyaal ah Axadii shalay aheyd oo kaliya.

Dadkaan tahriibayaasha ah  oo ka soo raacay dooman yaryar xeebaha dalka Liibiya ayaa la sheegay in mid kamid ah doomankaas oo alwaax ka sameysnayd ay saarnaayeen 412 ruux.

Ciidamada ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay sare u kacday tirada tariibayaasha ka imaanaya waqooyiga Afrika iyadoo haatan baddu ay tahay mid degan.

Dadkan ayaa la sheegay in ay ku jiraan dad ka soo jeeda dalalka Itoobiya, Uganda, Soomaaliya, Tanzania, Kenya iyo dalal kale, waxaana la sheegay in ay doonayeen in socdaal sharci daro ah ku galaan dalalka Yurub si ay uhelaan nolol dhaanta mid ay ku heystaan dalalkooda.

Ugu dambeyntii, arintan ayaa waxa ay imaaneysaa xilli tahriibayaal ay ku jiraan soomaaliya oo aanan tiro yareen ay ku dhinteen xeebaha u dhaxeeyo Talyaaniga iyo Liibiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]