Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) – Koox hubeysan oo watay mooto ayaa la sheegay in caawa degmadda Waaberi ay ku dileen nin magaciisa lagu soo gaabiyay Shiine, oo la sheegay in uu la shaqeynayay wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya.
Dableeydii weerarka geysatay, ayaa goobta ka baxsaday, ka hor inta aysan ciidanka Police-ka goobta imaan.
Howlgallo ayaa hadda ka socda degmadda, mana jirto cid sheegtay masuuliyada weerarka.
Maamulka degmadda Waaberi, oo aan la hadalnay nooma aysan suuragalin in aan xaaladda ka wareysano.
Ammaanka magaaladda Muqdishu, waayadii lasoo dhaafay aad uma wanaagsaneyn.
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia