4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2017
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda oo dil toogasho ku xukuntay laba askari oo dowladda ka tirsan

 

Khamiis, Maarso,23, 2017 (HOL) –Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa maanta xukun dil toogasha ah ku riday labo askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka oo lagu eedeeyay, in ay weerar ku qaadeen saldhigga Booliska Degamada Howladaag ee Gobolka Banaadir.

Intii uu socaday weerarka ayaa waxaa ku dhintay Saacid Maxamuud Suufi, oo ahaa askari ka tirsan Ciidanka ilaalada wadooyinka, iyadoona dhinaca kale uu dhaawac soo gaaray Gaashaanle Salaad Faarax Xaashi, oo ah Taliye ku-xigeenka saldhiga Booliska Howlwadaag.

Labada askari ee maanta la xukumay ayaa lagu kala magacaabaa C/laahi Xasan Maxamed iyo Daahir Maxamed Maxamuud.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday labada askari, waxaana uu sheegay in askari kasta oo dhibaata geysta in cadaalada la hor keeni doono.

Xabsiyada magaaladda Muqdishu, waxaa ku jira eedeysanayaal badan oo aan wali la xukumin.

Hassan Istiila
Mogadishu,Somalia