Khamiis, Maarso, 23, 2017 (HOL) – Saraakiisha
booliiska Uganda ayaa sheegay in ay baadigoob ku hayaan ciidamada sida gaarka
ah u tababaran kuwaasoo lagu eedeeyay in ay toogasho ku dileen gabar saddex
sano jir ah.
Waxaa lagu eedeynayaa inay sidoo kale dhaawaceen gabadha hooyadeed iyo nin
kale. arrintani ayaa ka dhacday tuulo ku taalla gobolka Mityana ee bartamaha
dalka Uganda Isniintii.
Afartaasi askari wakhtigaa iyada ah rasmiyan shaqo kuma aanay jirin, mana
cadda sababta ka dambaysay toogashadaasi.
Booliska ayaa dhacdadani ku tilmaamay mid si aad looga xumaado, waxayna
sheegeen in ay bixin doonaan kharashaadka ku baxaya dawada dadka dhaawaca ah.
Ugu danbeyntii, raggaasi ayaa lagu soo waramayaa in ay baxsadeen, booliskuna
waxay wacad ku mareen in raggaasi gacanta lagu soo dhigi doono.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]