4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 23, 2017
Puntland : dhalinyaro racfaan kaddib mar kale dil lagu xukumay

Khamiis, Maarso, 23, 2017 (HOL) – Maxkamada sare ee ciidamada dowlad gobolleedka Puntland ayaa mar kale maanta dhalinyaro ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab shan ka mid ah ku riday xukun dil ah, labo kalana lagu xukumay xabsi daa’in.

Dhalinyarradan dilka lagu xukumay ayaa ku eedeysnaa in ay dilal kala duwan ka geysteen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Horay ayeey maxkamad ciidamada todobadan dhalinyarrada ah dhamaantood ugu riday xukun dil, hasse ahaatee racfaan kaddib ayeey maanta mar kale maxkamada sare ee ciidamada go’aan ka gaartay kiiska dhalinyarrada oo shan ka mid ah lagu riday xukun dil ah, halka labo kalana lagu xukumay xabsi daa’in.

Ugu danbeyntii, Ma’aha markii ugu horeysay oo siddan oo kale maxkamada ciidamada Puntland dhaliyaro ku eedeysan Al-shabaab ugu rido xukun dil ah, kuwaa oo qaarkood lagu fuliyay dil toogasho ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]