4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 23, 2017
Koox hubaysan oo xalay rasaas ku furtay guriga wasiirka Boosta iyo isgaadhsiinta Somaliland

Khamiis, Maarso ,23, 2017 (HOL)- Koox hubaysan oo aan wali haybtoodda la garan ayaa xalay rasaaseeyey guriga wasiirka Boostadda iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamuud Sheekh Cabdilaahi wakhti habeenimo ah oo wasiirkuna gurigiisa uu hurday.

Sida uu xoghayaha gaarka ee wasiirku uu warbaahinta u sheegay wakhtigaasi rasaasta lagu furay ayaa ku beegnaa xilli dambe labaddii habeenimo, waxaana rasaastii ay kooxdaaasi u jawaabay ilaaladda wasiirka.

“Xalay abaaro labaddii iyo rubuc habeenimo ayaa waxa ku war helay rasaas dhacaysa, markii aan dibadda usoo baxay waxaan arkay gaadhi dibadda taagan oo rasaas ku soo ridaya guriga, ka dibna gurigaan dib ugu noqday, waxaana dibadda ugu baxay ilaaladda wayna yaaceen dee rasaastaasi guriga ku dhacday mooyee wax khasaare ah ma jiraan”ayuu yidhi Xoghayaha gaarka ee wasiirka Mukhtaar.

Xoghayuhu waxa uu sheegay in madaxda ciidamaddu ay guriga yimaadeen,isla markaana ay baadhayaaan dadkii falkaasi gaystay.

Dhinaca kale, wasiirka Amniga Maxamed Muuse Diiriya ayaa sheegay in falkaasi dhacay ay dad u qabteen,isla markaana ay baadhitaan ku jiraan.

“kiisaasi baadhis buu ku jira, weerar toos ah oo wasiirka lagu weeraray ma jirin laakin guriga rasaas lagu furay, laakiin ka hor dhici maayo baadhitaanka, dadna waa loo hayaa, warbixinteeda gadaal baad ka heli doontaan”ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye wasiirudawlaha Amniga Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, hore umay dhicin in weerar sidan oo kale qof wasiir ah loo gaysto, haseyeeshee wararka madaxa banaan ee aanu helayna waxay sheegayaan inay ahayd koox ay wasiirka arrimo ka dhexeeyeen, taasina ay sababtay inay guriga wasiirka rasaaseeyaan ka dibna baxsadaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.