4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 23, 2017
Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo hishiis ku saxiixday Nairobi + Sawirro


Khamiis, Maarso, 23, 2017 (HOL) – Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya, Maxamed Cabdullhi Farmaajo iyo Uhurro Kenya ayaa maanta kullan ku yeeshay magaalada Nairobi, iyagoo kullankooda kadib kala saxiixda heshiis dhowr qodob ka kooban.

Labada madaxweyne ayaa kulankooda uga wada hadlay muhiimada ah in la xoojiyo xiriirka labada wadan iyo ka wada shaqeynta danaha labada dowladood.

Madaxweynaha dalka  Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay si dhow ay labada dal uga wada shaqeynayaan arrimaha ammaanka, isla markaana ay bilaabi doonaa duulimaadyo toos ah,

Waxaa uu sheegay in labo todobaad gudahood ku bilaaban doono duulimaad toos ah Muqdisho iyo Nairobi, taasoo meesha ka saareysa duulimaayadii Soomaaliya ka imaan jiray ee soo mari jiray Wajeer.

Sidoo kale Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dadka heysta baasaboorada Servive iyo Diplomatic ay Viisaha ka qaadanayaan garoomada diyaaradaha Kenya, halka markii hore loogu soo saari jiray, ka hor inta aysan garoomada diyaaradaha Kenya ka degin.

Dhinaca kale madaxweyne Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo ayaa sheegay in Kenya ay tahay dal deris la ah Soomaaliya, isla markaana ay ka mid tahay saaxibada ugu weyn ee dalalka deriska ku leedahay.

Waxaa uu sheegay in dowladiisa ay si dhow ula shaqeyneyso dowladda Kenya, isagoo xusay in kenya ay muddo labaatan sanno ay marti gelineysay qaxootiga Soomaaliyeed, waxaa uu tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay inay ka wada shaqeeyaan waxyaabaha caqabada ku ah, sida ammaanka, faqriga iyo la dagaalanka argagixisada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay labo dal oo iskaashi ganacsiga iyo dhaqaalaha leeyihiin, isla markaana ay sameyn doonaan sidii ay xoojin lahaayeen arrimaha gaarka ee labada dal ka dhaxeeya.

Waxaa uu soo dhoweeyay dib u bilaabashada duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi oo heshiiska maanta qeyb ka ahaa, taasoo meesha ka saareysa in  diyaaradaha ka duula garoonka Muqdisho toos u tagi karaa magaalada Nairobi iyaga oo aan sii marin degmada Wajeer.

Ugu danbeyntii,  labada madaxweyne ayaa ku hishiiyay in ay sii xoojiyaan islamarkaana hergaliyaan heshiiskii iskaashi ee ay labada dal kala saxiixdeen bishii July sanadkii 2015kii, ee xoogga saaray dhinacyada amniga, ganacsiga iyo maalgashiga, duulimaadka, waxbarashada, beeraha, wadaagga aqoonta iyo horumarka, horumarinta xoolaha, kalluumeysiga, dalxiiska, socdaalka, shaqaalaha iyo caafimaadka.

Madaxweynayaasha ayaa shir jaraa'id oo ay qabteen ku sheegay in wada hadalkoodu ku soo dhamaday guul iyo is afgarad

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]