4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 23, 2017
Degmada Xuddun : dad ay abaartu saameysay oo deeq la gaarsiiyay


Khamiis, Maarso, 23, 2017 (HOL) - Degmada Xuddun oo ah halka ugu daran ee abaaruhu saameeyeen ayaa la sheegay in ku dhowaad lix kun oo qoys, kuwaas oo degaan ka yeeshay 35 xarumood oo ku yaala daafaha degmada degmada.

"5,200 oo qoys ayaan todobaadkii hore diiwaan geliney, hadana waxaa la filayaa in ay ka badan yihiin 6000 oo qoys" sidaa waxaa HOL u sheegay Maxamed Jaamac Mahad oo ka mid ah gudiga abaaraha degmada Xuddun, waxaanu intaa raaciyey in xaalku aad u adag yahay.

Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan wadanka Norway ayaa qadar lacag ah soo gaadhsiiyey dadka abaaruu soo barakiciyeen ku dhaqan Degmadda Xuddun oo ka tirsan Gobolka Sool.

Ceel Biyoodka Gamiinley oo dhanka bari ka xiga Degmadda Xuddun ayaa waxa Dhowaan soo Gaadhay ugu yaraan 40 qoys oo xoolihii ay dhaqanayeen ay raaceen abaaraha ba,an ee Deegaanka ka jira.

qoysaskan oo u badan Dumar iyo Caruur ayaanay jirin wax Kaalmo ah oo ka soo gaadha hay,adaha Caalamiga ah ee Samafalka iyo Maamulada Ka jra Dhulka soomaalida Midnabaa.

Cali Daroor Ismaacii oo ka mid ah Jaaliyadda Soomliyeed ee ku dhaqan Waddanka Norway oo loo wakiishay in uu Deeqdaasi gaadhsiiyo bulshada Xoola raacatada ah ee abaaruhu saameeyeen ayaa u sheegay warbaahinta in loogu talagalay lacagtaasi kooban ugu yaraan 40 qoys oo ku soo barakacay Duleedka Degmadda Xuddun,

waxana uu intaasi Raaciyey in Jaaliyadda Degmadda Xuddun ee ku dhaqan qurbha looga baahanyahay inay mideeyaan Gurmadka loogu jiro samata bixinta dadka abaaraha ku caydhoobay

Seynab Cabdi Warsame