4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 23, 2017
QM : waxaa la helay 31% oo kaliya lacagihii la dalbaday si wax looga qabto abaarta Soomaaliya

 Khamiis, Maarso, 23, 2017 (HOL) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in lacag dhan $ 864 Million oo loogu talagalay in wax looga qabto abaarta daran ee ku dhufatay Soomaaliya ilaa iyo hada la helay 31% oo kaliya.

Farhan Haq oo ah ku xigeenka wakiilka QM ayaa Arbacadii shalay sheegay in xaalada bani’aadaannimo ee Soomaaliya tahay mid ka sii dareysa.

Waxaa uu sheegay in 257,000 oo ruux uga barkaceen guryihiin ay ku noolaayeen xaalada abaarta intii u dhaxeysay bilihii November iyo February, sidoo kalana 4,300 oo ruux ka gudbeen xadka Itoobiya si ay nolal u helaan.

Farhan Haq ayaa intaa ku darray in ay jiraan 13.000 oo kiisas isugu jira cudurada shuban biyoodka iyo daacuunka oo ay ku geeriyoodeen 300 oo ruux tan iyo bilowgii sanadkan.

Ugu danbeyntii, xoghayaha arimaha dibada Britain Boris Johnson oo todobaadkii hore booqday Soomaaliya ayaa la filayaa in uu shir gudoomiyo kulan ay yeelanayaa gollaha amaanka oo looga hadlayo xaaladaha bani’aadannimo iyo siyaasada geeska Africa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]