4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 23, 2017
Qofkii weerarka ka geystay dhismaha baarlamaanka Britain oo la sheegay in uu xiriir la lahaa Islaamiyiinta

 Khamiis, Maarso, 23, 2017 (HOL) – Saraakiisha booliiska Britain ayaa sheegay in qofkii weerarka ka geystay Arbacadii shalay dhismaha baarlamaanka UK uu xiriir la lahaa kooxaha islaamiyiinta.

Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda la dagaalanka argagixisada ayaa sheegay inuu rumaysan yahay in ay garanayaan huwiyadda qofka weerrarka gaystay.

Shan qof ayaa dhimatay ugu yaraan 40 kalana waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii qofkaasi weerarka soo qaaday uu gaari marsiiyay dad marayay wadada dhinaceeda, iyo markii dambana uu toorey askari boolis ah ka hor inta aanan la toogan.

Askariga dhintay ayaa waxaa lagu magacaabay Keith Palmer, oo 48 jir xaasle aabe ah.

Ra'iisul Wasaare Theresa May ayaa sheegtay in weerrarku uu ahaa mid shaydaannimo ah oo lagu qaaday xorriyadda, dimuqraadiyadda iyo xorriyadda hadalka.

Qofka weerrarka gaystay ayuusan boolisku weli magacaabin, taasoo muujineysa in wali qofka aan la garan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]