4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 22, 2017
Wararkii ugu danbeeyay weerarka dhismaha baarlamaanka Britain + Sawirro


Arbaco, Maarso, 22, 2017 (HOL) –Haweeney ayaa lagu waramayaa in ay ku dhimatay dadka kalana waa ay ku dhaawacmeen weerarka lagu tilmaamay in uu ahaa mid argagixiso oo ka dhacay dhismaha baarlamaanka Britain.

Wararku waxaa ay sheegayaan in gaari si ula kaca ah loo jiirsiiyay 12 ruux oo sida la sheegay waqtigaa marayay Buundada Westminster oo u ku dhaw dhismaha baarlamaanka Britain.

Sidoo kale qof ka so degay gaariga ayaa weerar ku qaaday askari ku sugnaa agagaarka dhismaha baarlamaanka oo sida la sheegay uu ku dhuftay tooray.

Hasse ahaatee markiiba waxaa qofkaasi toogasho ku dilay booliiska oo arkayay markii uu falkaa ku kacayay.

Waaxda maamusha gaadiidka dadweynaha London ayaa sheegtay in boolisku uu ka dalbaday in la xiro boosteejada tareenka laga raaco ee ku taalla agagaarka dhismaha Westminster.

Ugu danbeyntii, waxaa soconaya howlgal la sheegay in lagu nadiifinayo agagaarka dhismaha baarlamaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]