4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 22, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya + Sawirro


Arbaco, Maarso, 22, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaya ayaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin  ay ka mid ahayd wasiirka arrimaha dibada Aamino Maxamed, Aadan Barre  Ducaale oo ah hogaamiyaha xildhibaanada baarlamaanka Kenya iyo  mas’uuliyiin kale.

Safarka madaxweynaha ee dalka Kenya ayaa noqonaya kii ugu horeeyay tan iyo markii loo dhaariyay madaxweynahadalka Soomaaliya horaantii bishii hore ayaa waxaa uu ka qeybgalayaa shir loogaga hadlayo arrimaha abaaraha iyo qaxootiga.

Inta uu joogo Madaxweyne Farmajo dalka Kenya ayaa lagu wadaa in uu  kulan gaar ah la yeesho madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyagoo  ka wadahadli doono xiriira qaxootiga iyo amniga labada dal.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]