4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 22, 2017
Hargeysa : Macalin xarig ku muteystay in ay isku magac yihiin madaxweynaha Soomaaliland

 Arbaco, Maarso ,22, 2017 (HOL)- Ciidamada booliiska Soomaaliland ayaa xabsiga u taxaabay Nin ay isku magac noqdeen madaxweynaha Somaliland oo isna magaciisa la yidhaahdo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Muwaadinkan xariga ku muteystay in ay isku magac yihiin madaxweynaha ayaa muddo laba cisho u xirnaa ciidamada nabad-galyadda wadooyinka, waxana lagu haystaa in ay isku magac yihiin madaxweynaha Soomaaliland.

Maamulaha guud ee dugsiyadda Nuuradiin oo uu macalin iyo maamule ku xigeen ka ahaa ayaa ka hadlay xadhiga loo gaystay macalinkaasi oo ciidanka Nabadgalyadda wadooyinku shalay xabsiga u taxaabeen.

“Macalin kaliya muu ahayn ee maamule ku xigeenka dugsiyadda sare ee wiilasha ee dugsiga Nuuradiin ayuu ahaa waxaa magaciisa la yidhaahda Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaana magaca Siilaanyo loo bixiyeey muddo dheer ka hor wakhtigii uu madaxweyne Siilaanyo uu ahaa gudoomiyihii jabhaddii SNM ta, jacayl la jecel yahay Siilaanyo ayaa loogu bixiyey markii saddexda magac ee hore isku eekaadeen ayaa naanaystan loo bixiyey”ayuu yiri Mahdi Ibraahim oo ah maamulaha guud ee dugsiga NUURADIIN.

Waxaanu intaas ku daray “isagoo iskuulka jooga ayaa loo yeeray waanu raacay ciidamada nabadgalyadda waxaanay ku eedeeyeen inuu magaca madaxweynaha Foojar gareeyey, waxaanay ogaadeen markii uu macalinka oo gaadhi watay ay ganaaxeen ka dibna uu u diray Zaad ayey ku arkeen magacan oo u eeg kii madaxweynaha, sidaas ayaa loogu yeedhay, macalinka isagoo Da’yar ayaa naanaystan Siilaanyo loo bixiyey”.

Dhinaca kale, taliyaha booliska Somaliland C/laahi Fadal Iimaan oo isna dhankiisa laga waydiiyey xariga macalinka ayaa sheegay in markii la xiray macalinkan uu markiiba bedelay naanaystii uu ula baxay Siilaanyo oo uu u bedelay naanays kale oo ah Xaddi taasina ay keentay sababta loo xiray.

“boolisku markii ay bilaabeen inay wax ka waydiiyaan saddexdan magac iyo Naanaystiisa Siilaanyo ee madaxweynaha iskaga mid ka yihiin markiiba wuu bedelay oo wuxuu sheegay in la yidhaahdo Xadi, saacado gudahood ayuu magacii uu sheeganayey u bedelay, waxaana soo baxday sheegasho magac aanu lahayn”ayuu yidhi Fadal taliyaha ciidanka Booliska.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.