4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 22, 2017
Hay'ada ARAHA oo qabatay shir Jaraa'id xaalada abaaraha ee G/Afrika

Arbaco, Maarso, 22, 2017 (HOL) Hay’adda ARAHA oo ah hay’ad gargaar oo ka shaqeysa arrimaha bini’aadnimada ee wadamada Geeska Afrika, ayaa shir jaraa’id oo ay uga hadleysay abaaraha sii xumaanaya ee ka jira Soomaaliya iyo wadamada deriska la ah, waxa ay ku qabatay magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota.

Shirkaan Jaraa’id oo ay uga gol laheed in la ogaysiiyo xaaladda abaaraha dadka & NGO’s ku dhaqan gobolkaan Minnesota iyadoo lagu casuumay warbaahinta kala duwan ee gobolka ayaa waxaa xaalada abaaraha ka waramay madaxa hay’ada ARAHA Maxamed Idris oo ka codsaday hay’adaha gargaarka in meel looga soo wada jeesto wax ka qabashadda abaartan oo laga walwal qabo inay gaarto tii 2011kii .

Shirkan Jaraa’id oo ay ka soo qeyb galeen waxgarad iyo culimaa’udiin ka soo jeeda geeska Afrika, ayaa dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa, Sh. Cabdisalaan Shariif oo ka mid ah maamulka Xarunta Islaamka ee Daarul-Hijra ee Gobalka Minnesota, ayaa sheegay in dadka iyo culumadda Soomaaliyeed ay hayaan dadaal lakiin loo baahan yahay dadaalkaas la mideeyo.


Dhamaan masaajida ku yaal gobolkaan ayaa Jimcahii la soo dhaafay laga aruuriyey lacago fara badan oo loogu gargaarayey dadka abaarahu saameeyeen, waxaana lacagahaan lagu wareejiyaa hay’ado ay maamulaan dad Soomaaliyeed sida Camuud, Haro, REED,iyo kuwo la mida oo iyagu u gudbiya gudaha ,inkastoo ay jirto gudi ay magacowday dowlada Soomaaliya oo toos loogu diro lacagahaas ayaa waxaa isticmaaladad kooban.

 

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis Minnesota