4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 22, 2017
Nabadsugidda Jubaland oo soo bandhigtay Nin ay kusoo qabteen Walxaha qarxa


Arbaco, Maarso, 22, 2017 (HOL) –Ciidamada nabadsugidda iyo sirdoonka Jubaland ayaa magaalada Kismaayo kusoo bandhigay nin dhalinyaro ah oo ay ciidamadu sheegeen in ay kusoo qabteen howlgallo ay saaka ka sameeyeen xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo.

Howlgalladan oo ay ciidamadu ka sameeyeen nawaaxiga Haanta biyaha ee xaafadda Farjanno ayay kusoo qabteen nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdi Xasan Nuur, iyo waxyaalaha qarxa oo ay ciidamadu sheegeen in uu ku qarinayay gurigii uu daganaa.

Taliye kuxigeenka Hay'adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Jubaland Axmed C/laahi Ciise (Gaas) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ninkani uu ka tirsanaa Al-shabaab, ayna mudo baadi goob ku hayeen, xogtiisana ay mar hore heleen isagoo intaa ku daray in saakana ay u suurogashay in ay gacanta kusoo dhigaan.

Waxa uu sheegay in ciidamadu ay ka warhayeen dhaqdhaqaaqyada ninkaasi, ayna saaka ugu tageen gurigii uu daganaa, halkaana ay kusoo qabteen isaga iyo waxyaalo qarxa oo uu halkaasi ku diyaarinayay.

Ninkan gacanta lagu soo dhigay ayaa dhaawac ka qabay gacanta midig, waxaana saraakiishu ay sheegeen in ay ka haleeshay rasaas ay fureen ciidamada kadib markii uu isku dayay in uu baxsado.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.