4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 22, 2017
Booliiska Kenya oo xeryaha Dhadhaab ka baaraya macalimiin la qafaashay

 Arbaco, Maarso, 22, 2017 (HOL) – Booliska ka Kenya ayaa howlgal lagu baadigoobayo macalimiin dhawaan la qafaashay ka wadda xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo ay ku nool yihiin kumanaan qaxooti Soomaaliyeed ah.

Madaxa Booliska gobolka W/Bari Aaron Moriasi ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan shakiyo ku aadan lahaystayaasha in lagu dhex haysto xerada Dhadhaab gudaheeda.

Waxaa uu shaaca ka qaaday in la xiray 200 qof oo arimahaasi lagu eedenayo waxaana jira baadi goobka dadkaasi afduubka lagula kacay iyo kuwa ka danbeeyay.

Aaron Moriasi ayaa sheegay inay wadaan baaritaan si booliska si maclumaad dheeri ah uga helaan mesha dhabta ah ee lagu haysto.

Xaaladaha afduubka ayaa ahaa mid kusoo kordhayay dhinaca waqooyi bari Kenya oo ay Al-shabab geesanayaan.

Ugu danbeynti, bishii Febraayo ayay ahayd markii koox ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ay xoog ku galeen iskuul ku yaala xerada iyagoo u socday afduubka haweyney macalimad ka ahayd iskuulkaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]