4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 22, 2017
Ra’iisal Wasaare Kheyre oo booqday dadkii ku dhaawacmay Qarax shalay ka dhacay nawaaxiga Tiyaatarka Qaranka

 

Arbaco, Maarso, 22. 2017 (HOL) –Ra’iisul Wasaaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa xalay booqday, Cisbitaalada la dhigay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii shalay galab ka dhacay difaaca ay ciidamadda Ammaanka dowladda ay ku leeyihiin Xarunta Golaha Murtida Iyo Madadaalada National Theater magaaladda Muqdisho.

Mudane, Xasan Cali Khayre, waxaa booqashadiisa ku wehliyay, Taliyeyaasha Ciidamada Booliska Iyo Nabadsugidda Qaranka.

Cisbitaalada uu booqday Ra’iisul Wasaare Kheyre waxa ay kala ahaayeen Madiina iyo Ordugan, isagoo mid mid u xog wareystay dadka dhaawayadu soo gaareen, si uu u qiimeeyo xaaladahooda iyo nabarada gaaray inta ay gaarsiisanyihiin.

Mudane Kheyre ayaa Warbixino ka dhageystay Saraakiisha Caafimaadka ee Cisbitaaladaasi, wuxuuna ka dalbaday in dag-dag loogu soo gudbiyo bukaanada Xaaladdooda caafimaad aan waxba looga qaban karin gudaha dalka.

Agaasimaha Cisbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Cisbitaalka Madiina la soo gaarsiiyay dhaawacyada 20 ruux kuwaas oo hadda xaaladdooda Caafiimaad ay la tacaalayaan.

Sidoo Kale Saraakiisha caafimaadka Cisbitaalka Ordogan ayaa xagooda sheegay in lasoo gaarsiiyay 1 bukaan ayna daweynayaan.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa xalay booqday Goobtii uu qaraxa ka dhacay.

Xarakadda Al Shbaab, ayaa sheegatay masuuliyada weerarka, oo ay ku dhinteen 10 ruux, halka labaatameeya kalana ay ku dhaawacmeen.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia