4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 22, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan xukuumada cusub

 Arbaco, Maarso, 22. 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa ku amaanay ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre magacaabista gollaha wasiirada oo sida uu hadalka u dhigay mudo gaaban ku qaadatay in uu ku soo magacaabo marka laga eego waqtiga sharciga ah ee dastuurku u ogolaanayo.

‘’Ra’iisal wasaaraha markii aan soo magacaabay waxaan ka dalbaday in mudo 15 cisho ah uu ku soo dhiso xukuumad, muddadii aan u qabtay waxey dhaaftay lix cisho oo kaliya, waa maalmo aad u kooban marka la eega waqtiga uu sharciga u ogolaanayo ee 30ka cisho’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu kalsooni buuxda uu ku qabo xubnaha cusub ee gollaha wasiirada la soo magacaabay.

‘’ Waxaan u arkaan golahan wasiirada cusub oo waliba qaarkood aan aqaanno in ay yihiin kuwo ka bixin kara howsha loo idmaday’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha.

Ugu danbeyntii, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka codsaday baarlamaanka Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan u meel mariyaan golaha wasiirada oo looga fadhiyo in sida ugu dhaqsiyaha badan  ugu adeegaan bulshada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]