Arbaco, Maarso, 22. 2017 (HOL) - Madaxweyne
ku xigeenkii hore ee dalka Congo Jean-Pierre Bemba ayaa lagu wadaa maanta in ay
xukun ku riddo maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ee ICC, kaddib markii ay
maxkamaddu ku heshay dambi ah in uu laaluushay markhaatiyada maxkamaddaasi.
Bemba ayaa waxaa horey loogu xukumay 18 sano oo xabsi ah oo uu ku muteystay
dambiyo dagaal iyo kuwo ka dhan ah aadanaha.
Sanadkii la soo dhaafay ayaa Bemba iyo afar qof oo kale oo isaga aad ugu
dhawaa waxaa lagu helay dambi ah in ay laaluusheen markhaatiyada maxkamadda si
ay u beeniyaan caddeymaha la hayo.
Dacwaddan ayaa ah tii ugu horreysay oo musuqmaasuq la xiriirta oo abid soo
marta taariikhda maxkamaddani ICC.
Maxkamadda ayaa la hor keenay caddeymo muujinaya in Jean-Pierre Bemba uu
gudaha xabsigiisa uu ka dhex abuuray shabakad isku xiran oo laaluushta dadka ku
markhaati furayay isaga.
Shabakaddani ayaa isticmaalaysay taleefoono qarsoodi ah iyo ereyo maldahan,
si ay u laaluushaan, una hagaan isla markaana ay faragelin ugu sameeyaan ugu yaraan
14 qof oo ah markhaatiyada ugu muhiimka maxkamadda ee isaga ku markhaati
furayay.
Qareeenka u doodayay madaxweyne ku xigeenkaasi hore, nin madax ka ahaa
difaaca dacwaddiisa, nin siyaasi ah oo ay saaxibbo yihiin iyo qof ka tirsan
markhaatiyadiisa ayaa isu geyntooda lagu helay in ka badan boqol dambi.
Arrintan ayeey ku muteysan karaan min shan sano oo xabsi ah, ganaax ama xitaa
in la isugu daro labaduba.
Maxkamadda ICC-da ayaa rajeynaysa in dacwaddan ay farriin cad u noqoto dadka
kale, taa oo ah in la ciqaabayo dadka isku daya in ay hor istaagaan
caddaaladda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]