Uhuru Kenyata oo booqday deegaanka Dhoobleey ee gobolka J/hoose [Sawirro]
Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) - Madaxweeynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa maanta booqday saldhigga ay ciidamada Kenya ku leeyihin Soomaaliya gaar ahaan magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubada Hoose.
Madaxweeynaha ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada Kenya ee ku sugan Dhoobleey, isagoo kormeeray dhufeeysyada ay ciidamadu ku leeyihiin xerada uu booqday.
Madaxweeynaha oo ku labisnaa dareeska ciidamada difaaca Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa kormeerkiisa ku sheegay in uu ahaa mid uu niyadda ugu dhisayay ciidamada howlgallada ka wada Soomaaliya ee ka socda dalkiisa.
“In aad joogtaan halkan Soomaaliya ah, waxay badbaado u tahay nolosha dad badan, Dhammaan shaacabka Kenya way idin xusuusan doonaan, joogitaankiinna halkan wuxuu ugu yaraan shacab badan ka badbaadiyay cabsidii ay ka qabeen Al-shabaab,” ayuu Yiri Mr. Kenyatta oo la hadlayay ciidamada ku sugan Dhoobleey.
Waxa uu ciidamada uga mahadceliyay sida ay uga qeybqaateen nabadgelyada dalkooda, isagoo sheegay in Kenya ay dib usoo ceshatay dalxiisayaashii iman jiray, kadib markii amniga uu noqday mida sida uu sheegay la isku haleyn karo.
Xerada uu booqday Madaxweynaha Kenya uhuru Kenyata ayaa ah xarunta dhexe ee ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanada Jubaland,.
Kenyata ayaa u xaqiijiyay ciidamada in dowladda ay mar walba taageeri doonto islamarkaana garab taagantahay.
Waxa uu hadalkiisa raaciyay “Waxaan kala hadleeynaa dowladda cusub ee Soomaaliya sidii ay u xoojin lahayd dhismaha ciidamada qaranka, si aad dib ugu laabataan dalkiinna, taasina waa istaraatijiyaddeena ku aadan ka bixitaanka Soomaliya."
Ciidamada Kenya oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ayaa ku sugan qeybo ka tirsan gobollada Jubaland.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay Qaxootigii lagu xasuuqay Dalka Yemen
- Madaxweyne Siilaanyo oo xariga ka jaray qayb cusub oo lagu kordhiyey cisbitaalka Hargeysa
- Xildhibaannada baarlamaanka oo meel mariyay qarraarka ku aadan gurmadka abaaraha
- Saraakiisha gobolka Hiiraan oo ka hadlay dil qof rayid ah xalay loogu geystay magaalada Beledweyne
- Ciidamo gadood ka sameeyay degmada Buula-burte
- Erdogon oo booqasho ku imanaya magaalada Muqdisho
- Dowladda Canada oo 21 Million oo Dollar ugu deeqday wax ka qabashada Abaarta Soomaaliya
- Malaysia oo ka qeybqaadaneysa gurmadka abaarta Soomaaliya
- Madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiyaha midowga Africa oo ka wada hadlay Abaaraha iyo Ammaanka
- Ciidamada maamulka Koonfur-galbeed iyo kuwa dowladda oo ku dagaalamay degmadda Afgooye
- Qof lagu dhax toogtay garoonka diyaaradaha magaalada Paris
- Mareykanka iyo Masar oo dhex-dhexaadinaya Dowladdaha Soomaaliya iyo Imaaraadka
- Guddoomiyaha Midowga Afrika oo Booqasho aan la shaacin ku yimid magaaladda Muqdisho
- BELEDWEYNE : askari toogasho ku dilay qof rayid ah
- Daawo Sawirada: Tirada dhimashada qaxootiga Soomaalida lagu dilay Yemen oo korartay
- Al Shabaab oo soo bandhigay ciidamo ay sheegeen in ay kasoo goosteen Dowladda Soomaaliya
- Wadooyinka Muqdisho oo xiran iyo Guddoomiyaha Midowga Africa oo Soomaaliya ku soo wajahan
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)