Talaado, Maarso ,14, 2017 (HOL)- Xukuumadda Somaliland, ayaa
maanta ka hor joogsaday xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI xaflad lagu soo bandhigayey
daraasad laga sameeyey dhibaatadda uu keeni karo saldhiga Militari ee
imaaraadka laga kireeyey.Wareegtadan ayaa laga mamnuucay dhamaaan hoteeladda waaweyn in aan lagu soo bandhigi Karin wax ka soo horjeedda heshiishka Imaaraadka lala galay.
Daraasaad laga sameeyey dhibaatadda uu keeni karo heshiishka Saldhiga Imaaraadka laga kireeyey, waxaana ku saxeexnaa wasiiru dawlaha arimaha gudah Maxamed Muuse Diiriye.
Wareegtada ka soo baxday Xafiiska wasiirul dawlaha Amniga ayaa u dhignayd sidan “ Sida aad la socotaan waxa baryahan dambe dalka ku soo badanaya shirar lidi ku ah oo ka hor imanaya nabad galyada iyo mashaariicda, horu marineed ee dalka ka socda, kuwaas oo lagu qabto Hutelada waa weyn ee dalka, shirarkaas oo la rabo in lagu kiciyo bulshada Somaliland si khalad ahna wax loogu sheego.”
“Inkasta oo dalkeenu yahay dal dimuqraadi ah hadana
wixii nabad galyada ka hor imanaya cidna laga yeeli maayo sidaas darteed laga bilaabo
taariikhda qoraalkan waxa reeban in shirarkaas aynu kor ku soo
sheegnay lagu qabto huteelada, cid kasta oo ka hor timaada qoraalkan isla
markaana ogolaata in shirarkaas lagu qabto huteelada waxa laga qaadi doonaa
talaabo adag waxaana la hor geyn doonaa sharciga.”ayuu qoraalkiisa
raaciyey.
Dhinaca kale, xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa cambaareeyeey xafladda hoteeladda laga joojiyey,isla markaana sharci daro ku tilmaamay in hoteeladda laga joojiyo xafladdo lagu qabanayo.
“Daraasad laga diyaariyey dhibaatadda saldhiga Militari
leeyahay leeyahay ayaa lagu soobandhigayey hoteel Maansoor oo markii kaadhadhkii
la bixiyey oo maanta dhici lahayd ayaa la hor joogsaday,
waxa lagu casuumay wasiiradda iyo xisbiyadda kale, marka waxaasi sharci daro
ayey tahay”ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah masuuliyiinta
xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.