Isniin, Maarso, 13, 2017 (HOL) -Warar dheeraad ah iyo faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay afafka hore ee hotel Weheliye magaalada Muqdisho.
Goob joogayaal ayaa sheegay gaariga walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu haleelay gaari nuuca loo yaqaan Hilux oo marayay afaafka hore ee Hotelka Wehliye, gaariga ayaa la sheegay in ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Dowlada.
Sidoo
kale waxaa qaraxa ku dhintay dad gaaraya ilaa siddeed ruux oo u badnaa dad
shacab , waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay dad kale oo badan kuwaa oo xarumaha caafimaadka loola cararay.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan saameyntiisana si weyn looga dareemay magaaalada
Muqdisho ayaa sidoo kale bur bur xoogan gaarsiiyay goobo ganacsi oo kuyaala
agagaarka Hotelka Wehliye iyo gaadiid halkaasi yaalay iyo kuwa wadada marayay.
Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa Nabad sugida oo qaraxa kadib gaaray Hotelka
Wehliye ayaa gurmad u fidiyay dadkii waxyeelada uu kasoo gaaray qaraxa, waxa ay
sidoo kale ciidamada xireen dad la tuhmayo.
Ugu danbeyntii, qaraxan ayaa noqonaya kii labaad ee maanta kaliya ka dhaca
Muqdisho, waxaa saakay sidoo kale qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay meel ku
dhaw warshada Nac naca oo ah xero ay degan yihiin ciidanka Milatariga
Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]








