4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 10, 2017
Garoonka diyaaradaha ee Muqdishu waxaa kasoo degay Soomaali laga soo masaafuriyay dalka Mareykanka

 

Jimco, Maarso, 10, 2017 (HOL)-Muwaadiniin Soomaali ah oo laga soo masaafuriyay dalka Mareykanka ayaa manta oo Jimaca ah, ka soo degay garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade ee Magaaladda Muqdishu.

Soomaalidda manta muqdishu soo gaaray, waxaa ay gaarayaan 97 ruux oo Rag iyo Dumar isugu jira.

Tan iyo markii Donald Trump loo doortay madaxtinimadda dalka Mareykanka, waxaa lasoo masaafuriyay soomaali gaareysa 200 oo ruux, dhinaca kale waa markii Labaad ee dad laga soo masaafuriyo Maraykanka.

Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay lix wadan oo Trump uu sheegay in aysan dalka Mareykanka gali karin mudo 90 cisha ah.

Hiiraan Online oo isku dayday in ay la hadasho dadkii manta garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade ee magaaladda Muqdishu, kasoo degay, ma aysan suuragalin.

Dhawaan, ugu yaraan 70 qof oo laga soo tarxiilay Mareykanka ayaa dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dadkaaasi ayaa muddo ku xirnaa dalka Mareykanka, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Soomaaliyaa Sonna oo soo xigatay wasiirka amingaa gudaha ee Soomaaliya Cabdirasaaq Cumar Maxamed.

Dadkaasi waxay dalbadeen in dib loogu celiyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa cambaareeyay xayiraadda Donald Trump uu saaray lix dal oo Muslimiin ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa haysto dhalashada Mareykanka iyo midda Soomaaliya.

Dalalka uu Trump dadkooda ka mamnuucay inay u safraan Mareykanka waxaa ka mid ah Soomaaliya.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa soo xigatay madaxweyne Farmaajo oo sheegaya in 150 kun oo qof oo Soomaali ah inay "gacan ka geysteen dhaqaalaha Mareykanka iyo bulshooyiinka Mareykanka qaabab kala duwan".

"Waa inaan ka hadalnaa waxtarka dadka Soomaalida ay ku leeyihiin Mareykanka, halkii aan ka hadli lahayn dhowr qof oo dhibaato sababay", ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Go'aanka madaxweyne Donald Trump uu ku hakiyay dadka ka safraya todobo dal oo Muslimiinta u badan yihiin ayaa waxaa cambaareeyay ururada xuquuqda aadanaha u dooda ee daafaha caalamka ku nool.

Sikastaba, qaar ka mid ah xisbiyada dhinaca midigta u janjeera ee Yurub ayaa soo dhoweeyay tallaabadaas uu qaaday Trump.

Qaramada Midoobeey ayaa ugu baaqday Trump inuu sii wado soo dhoweynta qaxootiga, ayadoo aan la eegeyn jinsiyadooda, dalka ay ka soo jeedaan iyo diintooda.

Hassan Istiila
[email protected]