4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 10, 2017
Munaasabad Ay ku qalin jabinayeen Arday Dhameysatay Waxbarashada Jaamacadda City Oo Muqdisho Lagu qabtay

 

Jimco, Maarso, 10, 2017 (HOL)-  Munaasabadan ay ku qalin jabinayeen qaar ka mid ah arday dhameysatay  luqada English-ka  iyo barnaamijka   aas aasiga u ah Jaamacadda city {foundation program} ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka banaadir, bahda waxbarashada, Madax ka socotay Jaamacadaha qaar, waalidiin iyo ardayda Jaamacadda, iyadoo xafladaasi lagu qabtay xarunta jaamacadda city Yusuf Al-kowneyn ee magalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadkii ka hadlay xafladda  ayaa soo dhoweeyey hanaanka tayaynta tacliinta sarre ee Jaamacadda City, iyagoo ardayda ugu baaqay inay heystaan fursad dahabi ah kana faa’ideystaan.

Prof  Yaasin  Barkhadle, Guddoomiye ku xigenka dhanka waxbarashada ee jamacadda City oo furay munasabada ayaa sheegay in jaamacadda city ay haldoor u tahay wax barashada soomaliya, Isagoo balan qaaday in jaamacada  looga maarmi doono in wax barasho dibadda loo aado.

Daa'uud  Yuusuf  Maxamed  Madaxa Barnaamijka aas aasiga waxbarashada ee Jaamacadda City ayaa sheegay in ujeedka ay u qaateen barnaamijkan uu yahay sidii ardayda looga dhisi lahaa dhanka luqadda Englishka iyo xisabta, islamarkaana ay sal u yihiin sare u qaadidda tacliinta sare ee dalka.

Drs  Sacdiyo  Maxamuud  Maxamed oo ku hadleysay magaca waalidiinta xafladda ka qeyb galay ayaa bogaadisay maamulka iyo ardayda Jaamacadda City, iyadoo xustay inay jamacadda city ay qaadatay tillaabo geesinimo leh waxtarna u ah ardayda nasiibka u yeelatay inay ka faa’ideystaan barnamijkan.

Guddoomiyaha Jaamacadda City Prof Cabdullaahi Axmed Bariise oo soo xiray xafladda ayaa sheegay in barnaamijkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay bulshadeena, sababta ay u qaateenna ay tahay sidii ardayda looga dhisi lahaa dhanka luqadda, maadaama ay maadooyinka ku qaadanayaan luqadda English-ka.

Gabo gabadii xafladda ayaa waxaa abaalmarino kala duwan la guddoonsiiyay qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda ee dadaalka badan u muujisay sare u qaadida aqoontooda luqadeed, iyagoo goobta ku soo bandhigay ruwaayado ka turjumeysa muhiimaddu ay waxbarashadu leedahay.

Mustafa Hussein
[email protected]
Muqdisho Somalia