4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 10, 2017
Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen Haweenka Baarlamaanka iyo Bulshada Rayidka

 

Jimco, Maarso, 10, 2017 (HOL)- Kulanka oo  looga hadlayey wada shaqeynta Haweenka ku jira Barlamaanka iyo Bulshad raydka waxaana Kulankaas Diirada lagu saarey abaaraha ka jira dalka  iyo guulaha boqolkiiba 30% haweenka ka gaareen Baarlamaanka sidoo kale waxaana  si gaar ah ahmiyad   la  siiyo  sidii Haweenka ay uga Muuqan lahaayeen  golaha Wasiiradda.

Kulankaas waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Baarlmaanka  iyo Gudoomiyihii Gudigii Doorashadda daban Avv Cumar Dhagay waxaana Kulankaas Haween Barlamaanka iyo Bulshadda raydka ku Wareejiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Lacag gaareysa lix kun oo dollar  oo ay ugu tala galeen in wax looga qabto Abaaraha Saameeyey dad iyo Duunyo.

Kulankaan waxaa soo qaban qaabiyey Hay’ada IIDDA.iyadoo Kulankaas Balaaran  Hayada IIDA ka soo saartey Warsaxaaafadeed waxaana akhriyey Xaliimo Jaamc  waxay sheegtey in Kulankaan  uu ahaa Mid looga hadlayey Abaaraha  iyo Koontada  haweenka waxaana uu socdey 6-9 Bisha. 

Gudoomiyaha Barlamaanka Mohamed Sheikh Cisman Jawaari   oo ka hadley Kulankaas ayaa u Mahadceliyey intii soo qabanqaabisey Kulankaa isagoo kula dardaarmey Haaweenka  in ay halkaas ka sii wadaan Dadaalka ay ku doonayaan in ay ka muuqdaan Hayada Dowada. 

Gudoomiyaha Barlamaanka Mohamed Sheikh Osman Jawari ayaa sheegay in sidii haweenka ku heli lahaayeen saamiga %30 dadaal badan laga soo maray , waxa uuna tilmaamay in muhiim tahay in hada laga sii shaqeeyo sidii haweenka ku heli lahaayeen xaquuqda ka maqan marka la gaaro 2020-ka. 

Hayada IIDA ayaa Shahaadooyin Gudoomsiisay dadkii ka soo shaqeeyey Aqoonta 30 %, Hayada IIDA ayaa Mudooyinkaan wadey Barnaamijyo lag hormarrinayo Haweenka sidoo kale waxay ahayd qayb ka  ahayd Dadaalkii lagu gaarey in ay haweenaka Koonto Fiican ka helaan baarlamaanka.


Mustaf Hussein