4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 10, 2017
Maamulada Puntland iyo Gal-Mudug oo si wada-jir ah u Qabtay Kulamo lagu Dhiira-galinayay Is-dhexgalka Bulshada (Sawirro)

Jimco, Maarso, 10, 2017 (HOL)-Maamulada Puntland iyo Gal-Mudug oo iskaashanaya ayaa labada dhinac ee Gaalkacyo ku qabtay  kulamo lagu dhiiragalinayo is-dhexgalka Bulshada Nabada,Hawaynka, iyo waliba sidii looga qayb-qaadan gurmadka abaaraha ee guud ahaan Somalia.

Kulanka hore oo ahaa mid qado sharaf ah ayaa ka dhacay dhinaca maamulka Gal-mudug halka kulanka kale ee ka dhacay Puntland uu ahaa mid lagu maamusayay ciyaar kubada cagta ah oo ka dhacday garoonka Cawaale ,una dhaxeysya kooxo kala matalayay Gal-Mudug iyo Puntland.

Maxamuud Yaasiin Tumay iyo Xirsi Yusuf Bare oo ah gudoomiyayaasha dagmada Galkacyo ee labada maamulka  ayaa ka hadlay nabada iyo muhiimada ay u leedahay in labada bulsho ay is-dhex-galaan ,iyadoo xafiiska QM ee Somalia uu door weyn ka qaatay sidii labada dhinac la isugu keeni lahaa.

“Waxaa loo baahanyahay inaan ka shaqayno nabadda Gaalkacyo kaalinta ugu horeysana  waa in ay qaataan haweenka ,ciyaaraha waa doorka kaliya ee abuuri kara is-dhexgal bulsho oo aan kala sooc lahayn” ayuu yiri duqa degmada Gaalkacyo ee Puntland oo ka hadlayay munaasabadahan.

Ururada haweenka Puntland iyo Gal-mudug oo qayb ka ahaa kulamada ka dhacay labada dhinac ayaa iyana ka hadlay sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo doorka dumarka ee dib u soo celinta is-dhex-galkii guud ee bulshada.

“Hadii aan nahay ururada haweenka labada dhinac waxaan diyaar u nahay mar walbana u taaganahay nabada iyo xasiloonida Gaalkacyo, waana idin garab-taaganahay hadaa tihiin masuulyiinta dagmada “ ayey tiri mid ka mid ah haweenkii ka socday Gal-Mudug.

Gudooomityaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif Agbaalow ayaa ugu dambayn Koobkii nabadda gudoonsiiyay kooxdii matalaysay Gal-mudug oo ka adkaatay kooxdii matalayay maamulka Puntland.

“Waxaan u mahad-celinayaa kooxda ka socotay Gal-mudug oo ku guulaysatay koobkii Nabada Gaalkacyo oo maantay lagu qabtay Garoonka Cawaale ee Galkacyo “ ayuu yiri gudoomiyaha oo u hambalyeeyay kooxda Gal-Mudug.

Ugu danbayn, maamulada Puntland iyo Gal-Mudug ayaa la isku furay wax yar ka dib markii Muqdisho lagu doortay madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ,kaasi oo doorashadiisi siyaabo kala duwan loogu dabaal dagay.

Faysal M. Hassan
[email protected]