Jimco, Maarso, 10, 2017 (HOL)- Magaaladda Gaalkacyo, ayaa 25-kii sano ee ugu dambeeyay, aheyd magaalo dadkeeda ay is-jecelyihiin haddana ku kala qeybsamay, siyaasado ay hor boodayaan siyaasiyiin.
Boqolaal ruux, ayaa ku geeryooday dagaaladii ka dhacay magaaladda, halka kumanaan kalena ay ka barakeceen.
Tan iyo markii la doortay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaa soo baxayay ififaalo wanaagsan oo ah in magaaladda ay isku furmi karto.
Habeenkii la doortay Farmaajo, magaaladda oo xiray, ayeey dadka waxaa ay sameeyeen Baanbaxyo iyagoona magaaladda ka dhigay mid camiran.
Guddi ay sameeyeen maamullada Puntland iyo Galmudug, ayaa ka shaqeeyay sidii magaaladda amnigeeda iyo kaabayaasheeda dhaqaalaha looga shaqeeyn lahaa.
Hadaba guddigaasi waxaa ay ka shaqeeyeen in magaaladda la isku furo, in kastoo , Maamullada Puntland iyo Galmudug ee Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobalka Mudug ay si wadajir ah u sheegay in magaaladda ay isku furantahay.
Guddoomiyayaasha Magaalada Gaalkacyo ee labada dhinac Maxamuud Yaasiin Axmed Tumey iyo Xirsi Yuusuf Bare, ayaa sheegay in magaaladda ay kusoo noqon doonto sidii ay aheyd 25 sano ka hor.
Dadka deegaanka, ayaa Hiiraan Online u sheegay, in rajo wanaagsan ay ka qabaa in magaaladda ay lamid noqoto kuwa kale ee ka jira, Soomaaliya.
Siyaasiyiinta Soomaaliya, ayaa ugu baaqaya maamullada Puntland iyo Galmudug, in ay ka shaqeeyaan sidii aysan usoo noqon laheyn colaado sokeeye oo laga soo daalay.
Madaxweynaha Janhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay munaasabaddii caleema saarkiisa, ayaa ka hadlayay waxyaabaha uu qaban doono mudada uu xilka hayo, waxana uu sheegay inuu xal buuxa u heli doono colaada Gaalkacayo taasi oo mudo soo jirtay.
Dagaalka magaalada Gaalkacyo ka dhacay Bishii Oktobar waxaa ku barakacay sida Qaramada Midoobay ay sheegtay dad ka badan 75 kun qof, oo ay ku jiraan dadkii ku noolaa xeryaha dadkii hore ugu barakacay dagaaladii sokeeye ee dalka.
Collaada waxa ay sababtay in waxbarashadii magaalada ay istaagtay oo ardaydii lala qaxay.
Hassan Istiila
[email protected]