4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 10, 2017
Ciidamada Jubaland oo ka hortagay Qaraxyo lagu aasay Kismaayo

Jimco, Maarso, 10, 2017 (HOL)-  Ciidanka sirdoonka maamulka Jubaland, ayaa warbaahinta u soo bandhigay, Qaraxyo xalay la dhigay xaafada Farjano ee magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxyada ayaa ahaa Miinooyinka dhulka lagu aaso, waxaana saraakiisha ay sheegeen in shacabka deegaanka ay ku soo wargaliyeen ciidamadda.

Laamaha ammaanka Maamulka Jubbaland, ayaa intaasi ku daray in ay wadaan howlgallo amni xaqiijin ah.

Dagaalyahanada Al Shabaab, ayaa inta badan weeraro ka geysta duleedka magaaladda Kismaayo, iyagoona saldhigyo ballaaran ku leh Goblka Jubada Dhexe.

Ciidamo ka socda dowladda Mareykanka, Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya, ayaa deegaanadda Jubooyinka kula dagaalamaya Al shabaab.

Hassan Istiila
[email protected]