4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 10, 2017
Dad abaarta ku xoolo beelay oo gaaray degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud


Jimco, Maarso, 10, 2017 (HOL) - Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya waxaa gaaray qoysas isaga soo barakacay deegaannadii miyiga oo ay ku noolaayeen kadib markii ay ka dhamaadeen xoolihii ay dhaqanayeen islamarkaana waayeen wax ay ku noolaadaan.

Qaar ka mid ah dadkan ayaa sheegay in ay dadka reer miyiga ah aysan aqoon nolal kale oo ah dhaqashada xoolaha iyo tacabka dhulka, markii ay labadaa meesha ka baxeenna ku adkaatay nolasha, taasoo keentay in ay soo maciin bidaan magaalooyinka.

Dadka qaar waxaa ay ka soo tegeen ilmahoodii wali oo miyiga jira oo ay u awoodi waayeen in ay jidka soo wada maraan, waxaana ay codsadeen in gurmad deg deg ah lala soo gaaro.

Xalwo Xasan Dirir oo ka mdi ah dadka soo dhaweeyay barakacayaasha soo gaaray degmada ayaa bulshada qeybaheeda kala duwan ka codsatay inay gacan ka geystaan sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaartu sameysay.

Abaarta oo ah mid saameyn xun yeellatay ayaa lagu waramayaa in ay tahay tii ugu darneyd oo waayadii ugu danbeeyay soo marta dalka, waxaana dadka u wehliya abaarta cuduro uu ka mid yahay shuban biyood ah oo ay u dhimanayaan caruurta iyo dadka waayeelka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]