4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 10, 2017
Faah faahin : dad shacab oo ciidamada AMISOM ay ku dileen deegaan hoostaga degmada Mahadaay

 Jimco, Maarso, 10, 2017 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxay labo ruux oo shacab ah o ciidamada AMISOM ku dileen deegaanka Qurac-Madoobe oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Labada ruux ee la dilay oo lagu sheegay in ahaayeen xoolo dhaqato ayaa dilkooda waxaa uu ka danbeeya weerar xoogag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen kolonyo ay la socdeen ciidamada AMISOM, taasina ay sababtay rasaas ay fureen ciidanka AMISOM in ay disho dadkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya dadka ciidanka AMISOM ay dileen in uu ka mid ahaa Macalin Dugsi Qur’aan, waxaana jira in ciidamada AMISOM ay horey u sii kaxeysteen ilaa Saddex ruux.

Ugu danbeyntii, guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda cegmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdulle Shacleeye ayaa warkan arinta ku saabsan u xaqiijiyay warbaahinta.

Ma’aha markii ugu horeysay oo eedeymo noocan oo kale ah loo jeediyo ciidamada AMISOM oo inta badan marka ay weeraro kala kulmaan Al-shabaab si aan kala sooc la heyn u beegsada dadka ka agdhaw goobta uu weerarka ka dhaco.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]