4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 10, 2017
Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka degmada Gaalkacyo oo xalay la weeraray

 Jimco, Maarso, 10, 2017 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay in mid ka mid ah xildhibaannada gollaha deegaanka degmada Gaalkacyo oo lagu magacaabo Cabdifataax Xassan Xusseen dhaawac fudud ka soo gaaray weerarka xalay lagu qaaday.

Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday, waxaana xildhibaanka rasaastii lagu furay ka soo gaaray dhaawac fudud, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha laamaha ammaanka ee ku sugan Gaalkacyo.

Askari ka agdhawaa goobta lagu weeraray xildhibaanka ayaa waxaa uu rasaas ku furay dableydii, inkastoo ay goobta ka baxsadeen.

Xildhibaan C/fataax Xasan Xuseen oo dhaawac fudud uu ka soo gaaray gacanta ayaa islamarkiiba waxaa loola cararay isbitaal ku yaalla Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ugu danbeyntii, maalin ka hor ayay aheyd markii Magaalada Gaalkacyo uu ka dhacay Qarax Gaarigiisa loogu xiray Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland, kaasi oo soo gaaray dhaawac culus.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]