Arbaco, Marso, 01, 2017 (HOL) - Madaxweeynaha dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta khudbad ka jeediyay fadhigii baarlamanka kadib markii ay mudanayaashu ansixiyeen raysul wasaaraha cusub ee dalka Mudane Xasan Cali Khayre ayaa guul ku tilmaamay in 231- mudane oo soo xaadirtay fadhiga ay codka kalsoonida siiyaan raysul wasaaraha, isagoo arintaa ku tilmaamay in ay muujineeyso midnimo.
Madaxweeynaha ayaa sheegay in hal-ku-dhigga dowladda cusub ee uu hogaamiyo ay noqon doonto dib u heshiisiin iyo dib u dhis.
“Xukuumad walbaba ama dowlad walbaba waxay leedahay hal-ku-dhig, hal-ku-dhigga dowladdan waxa weeye dib u heshiisiin iyo dib u dhis, waa dowlad dib u heshiisiin ah iyo dib u dhis, oo ku dhisan sedexda aasaasiga ah, oo kow ay ka tahay Amaanada, umadda, amaanada ay noo dhiibteen inaan u ilaalinno, Labo cadaalad inaan ku shaqeeyno, oo ah tiir dhexaadka dal burburiya ama dal dhisa, Tan sedexaad waxaa weeye dadkeena saboolka ah inaan u naxariisanno oo aan isu naxariisanno” ayuu Madaxweeynuhu ku yiri khudbad uu ka jeediyay fadhigii baarlamanka.
Madaxweeynaha ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay umadda Soomaaliyeed heshiis tahay isagoo yri; “Dadka dagaalaya waxaan u sheegaynaa inay joojiyaan dagaalka, dadka is khilaafsan in ay is cafiyaan, intaas hadaan gaarno ilaahay abaarta waa naga dulqaadi, waxay abaartu noogu soo noq-noqoneeyso wa cadaalad darro iyo anagoon isu naxariisaneynin.”
Waxaad ogaataan Afrika waan ka hormarnay hadda, maxaa yeelay wixii aan soo marnay dib ugu noqon meeyno, qofkii waalan oo raba inuu dib ugu noqdana waan xusuusineeynaa, dhibkii dhacay, qaxii dhacay, isdilkii dhacay iyo diinta Islaamka oo la xumeeyay, waxaan kazoo gudubnay 26 sano,” ayuu Madaxweeyne Farmaajo hadalkiisii raaciyay.
Waxa uu dhinaca kale sheegay in aysan jiri doonin erayga ah “dadka laga tirada badanyahay”.
“Hadda wixii ka danbeeya waxaan u dhaqaaqeeynaa dhanka dimuqraadiyadda ah, haduu ilaahay yiraahdo, ayadoo qof walba oo Soomaali ah uu xaq leeyahay, hadii uu Minority yahayna wuxuu Minority ku yahay Xizbi, Qabiil maahan, Xizbi ayaa Minority lagu noqdaa ama Xizbi ayaa Minority lagu noqdaa,” Ayuu Madaxweeynuhu hadalkiisii raaciyay.
Baarlamanka dalka ayaa maanta codka kalsoonida siiyay Raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayadoo 231 mudane oo soo xaadirtay fadhiga ay dhamaantoodba codkoosa kalsoonida siiyeen Raysul wasaaraha cusub.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Madaxweeyne Farmaajo: Hal-ku-dhigga dowladdan waa Dib u heshiisiin iyo dib u dhis
More News
- Maalin Arbaco ayaa lagu xasuusan doonaa Dowladda Farmaajo. Maxey tahay sababta ?
- Aqriso: Khudbaddii Madaxweynaha uu maanta ka jeediyey furitaankii Kalfadhiga Koowaad ee Golaha Shacabiga Soomaaliyeed
- Shirkadda Isgaadhsiinta GOLIS ayaa 50,000 Doolar ku wareejiyey gudiga abaaraha gobolka Sool
- Olole iskaa wax u qabso oo wadooyin lagu dhisayo magaalada Widhwidh ee G. Cayn oo la bilaabay
- Olole iskaa wax u qabso oo wadooyin lagu dhisayo magaalada Widhwidh ee G. Cayn oo la bilaabay
- Faah faahin ku saabsan qarax maanta ka dhacay degmada Dherkenley
- Ra’iisal wasaare Kheyre oo khudbadiisii baarlamaanka todobo qodob uga hadlay
- Xukumadda Somaliland oo musaafurisay laba sarkaal oo shaqaynayey Hay’adda DRC ee Danmark
- Madaxweyne Farmaajo oo baarlamaanka uga mahad celiyay ansixinta ra’iisal wasaaraha [Sawirro]
- Qarax khasaare dhimasho sababay oo goor dhaw ka dhacay degmada Dherkeenley
- Haweeney malxiis ka dhigatay wiil dhalinyaro ah oo xiriir hore kala dhaxeeyay
- Xildhibaannada baarlamaanka oo codka kalsoonida siiyay ra’iisal wasaare Kheyre
- Madaxweynaha oo goor dhaw daah furay kalfadhigii koowaad ee baarlamaaanka
- Dufcadii ugu horeysay oo dhameysatay Taqasuska Qeynuunka & Shareecada ee Jaamacadda Banaadir
- Galmudug oo cafis u fidisay afar badmaax oo u dhashay dalka Yemen
- Diyaarado duqeyn ka geystay deegaano hoostaga gobolka Gedo
- Jidadka Muqdisho qaarkood oo maanta u xiran kulanka baarlamaanka
- Ra’iisal wasaaraha oo maanta oo codka kalsoonida weydiisanaya baarlamaanka Soomaaliya