Jimco, June, 09, 2017 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibadda ee Eritrea ayaa
warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadku
ay ka codsadeen in dowladda Eritrea ay xiriirka diplomaasiga ah u jarto
Qatar.
War-saxaafdeedka ayaa lagu sheegay in dawladda Eritrea ay gabi ahaanba
arrintaasi ay diidday.
Eritrea ayaa sheegtay in shacabka Qatar ay wadaagaan xiriir wanaagsan,
isla markaana aysan suurtagal ahayn in codsiga dalalkaasi awgii ay xiriirka u
jaraan.
War-saxaafdeedka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Eritrea ayaa sheegay in
madaxweynaha Eritrea uu ku baaqay in waanwaan lagu dhameeyo xiisadda u dhaxaysa
Qatar iyo Dalalka ay is khilaafsanyihiin.
Dowladdaha Jabuuti iyo Senegal ayaa horay u sheegay in ay hoos u dhigayaan xiriirkii
dhinaca Diblumaasiyada ee kala dhaxeeyay Qatar, walow aysan si rasmi ah ugu
dhawaaqin in gabi ahaanba ay xiriirka u jareen
Dowladdaha Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar, Maldives,
Mauratania, Libiya, iyo Yemen ayaa horay si rasmi ah u sheegay in ay xiriirka u
jareen Qatar.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]